Boodhari Mills oo si Rasmi ah u Bilowday Wax-soo-saarka – Photo News

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ayaa xadhigga ka jaray furitaanka Wershadda Daqiiqda iyo Calafka Xoolaha ee Boodhari Mills oo si rasmi ah u bilowday wax-soo saarkeeda, kaddib muddo saddex sanno ah oo la diyaarinayey dhismaha wershadda iyo maalgelinta Beeraha dalagga Qamaddiga.

Munaasibad loo sameeyey daah-furka Wershada oo lagu qabtay Xarunta Wershadda oo ku taala Deegaanka ABAARSO ee duleedka Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Qaar Ka mida Saamilleyda Boodhari Mills,  Wasiirro, Ganacsato, madax-dhaqameed, Aqoonyahan, Haween, Dhalinyaro iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

DAAWO BILICDA SAWIRRADA