Boocame Oo Durba La Jaan-qaadday Horumarka Somaliland iyo Dareenka Shacabka Degmada

Hargeysa (SLpost)- Degmada Boocame ee Gobolka Sool, waxa maanta gaadhay masuuliyiiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland, waxaana si dareen leh u soo dhaweeyey Wax-garadka iyo Shacabka Degmada.

Masuuliyiinta oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Sool iyo Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka, waxa ay isla maantaba degmada ka bilaabeen dhagax-dhigga mashaariic kala duwan oo xukuumadda Somaliland ugu talo-gashay inay ka fuliso degmadaas.

Masuuliyiintu waxa ay dhagax-dhigeen Cusbitaalkii u horeeyey ee ay yeelan doonto magaalada Boocame halka sidoo kale ay kormeer ku sameeyey dugsiga waxbarashada farsamada gacanta.

Ciidamada Milatariga ee Somaliland ayaa dhawaan si rasmi ah ula wareegay gacan ku-haynta magaaladaas oo ku taalla meel u dhow xuduudka Somaliland la leedahay Soomaaliya, gaar ahaan magaalo-madaxda maamulka Puntland ee Garoowe oo degmadu u jirto masaafo dhan 70 Km.