Boobe Yuusuf oo Madal Furan Ka Sheegay Doorkii Ay Ku Lahaayeen WAR-LALIYAHA CUSUB EE RADIO HARGEYSA

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland
Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii Hore ee Warfaafinta Mudane Boobe Yuusuf Ducaale oo ka hadlayay Munaasibad sagootin ah oo lagu sii gelbiyay ardaydii ka qalin-jebisay sannad-waxbarasheedkan 2011-2012 Kulliyadda ICT-ga ee Jaamacadda ADMAS qaybteeda Magaalada Hargeysa oo xalay lagu qabtay Crown, ayaa xusay doorkii ay ku lahaayeen isaga iyo Agaasime Faysal Sheekh furista Idaacadda cusub ee Radio Hargeisa, iyada oo aan munaasibadda furista lagu xusin doorkii weynaa ee ay ka qaateen rakibaaddeeda.

Aqoonyahan Boobe isaga oo taas ka hadlaya waxa uu yidhi “Halkan maanta (shalay) munaasibad weyn ayaa dhacday magaalada RADIO HARGEYSA, idaacaddii cusbayd ayaa la furay oo ahayd waxbaahihii ugu weynaa ee ay dadkani u hadaaqayeen wixii ugu weynaa ayuu ahaa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (SIILAANYO) waan ku hambalyeynaynaa isaga iyo xukuumaddiisaba inay mashruucan hirgeliyeen”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu Mujaahid C/RAXMAAN YUUSUF DUCAALE (BOOBE ) yidhi “Waan dhegaysanayay khudbadihii maanta ka baxay meesha, awoowyaasheen iskamay dhiman, ee waxay ka tageen xikmad iyo maahmaaho ay tahay inaynu adeegsanno, waxay yidhaahdeen “haddii lagu sheego waa la is-sheegaa, haddii lagu sheelana waa la is-sheegaa”. Waxaan halkan uga mahad-celinayaa Faysal Sheekh oo ahaan Agaasimaha guud ee Warfaafinta oo culayska istaadhidda iyo rakibaadda Idaacadda cusubi ku dhaceen, waxaan u mahad-celinayaa dadkii u diyaariyay barnaamijyada cusub ee ay ku shaqayn doonto bilaha soo socda. Halkan aniga ayaa isaga mahad-celinaya oo qayb-libaax ka qaatay furisteeda iyo rakibaaddeeddii. Haddaynu isku tix-gelin weyno oo aynu isu mahad-naqi weyno ILAAHAYna u mahad-niqi mayno”.

Wuxuu sidoo kale Boobe u mahad-naqay marti-sharaftii madasha joogtay, isaga oo ardaydana kula dardaarmay ka faa’iidaynta wakhtiga iyo inay abaal hayaan cid kasta oo ka qayb qaadatay horumarinta iyo nabadaynta SOMALILAND”

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

saedmgahair@hotmail.com