Boko Haram oo Beenisay Heshiis Dhexmaray Dawladda Nigeria, sheegayna inay Muslimiyeen 200 gabdhood oo u af-duubnaa

Lagos (SLpost)- Kooxda Boko Haram oo ka dagaalanka dalka Nigeria, ayaa beenisay inay heshiis xabbad-joojin ah la gashay xukuumadda dalkaas, iyaga oo sheegay in 200 oo hablood oo ay horraantii sanadkan afduubeen dhamaantood Islaam laga dhigay una guuriyeen ciidamadooda. Hoggaamiyaha kooxda, Abubakar Shekou oo cajalad fiidiyow ah oo laga duubay, ayaa sheegay inaanu jirin heshiis xabbad-joojin ah oo ay xukuumadda la galeen, isaga oo hadal xukuumadda Nigeria hore ugu sheegtay inay heshiis gaadheen ku tilmaamay mid been abuur ah.

BOKO HARAM“Warka xukuumaddu sheegtay waa been, mana jirto cid aan wada-hadallo la galayno,” ayuu yidhi Shekou, isagoo intaas ku daray, “Gabdhihii aan gacanta ku haynay dhammaantood waxay qaateen Islaamka, waxaananu u guurinnay dagaalyahannadayada.”

Abubakar Shekou waxa uu sheegay inay ka go’an tahay inay dagaallada sii wadi doonaan, isla markaana ay ku taagan yihiin waddadii ay Nigeria oo dhan kaga hirgelin lahaayeen isku-xukunka diinta Islaamka.

Gabdhahan ayaa xilligii la afduubayay ku sugnaa iskuul ay wax ka baranayeen oo ku yaalla Waqooyi-bari Nigeria, taasoo keentay in warkooda mar qudha wada-gaadho dunida oo dhan, inkasta oo aan lagu guuleysan in Boko Haram laga soo furto.

Ha’yadaha Xuquuqda Aadanaha caalamka ayaa dowladda Nigeria dhawaan ku eedeeyay inay wax ka qaban wayday gabdhaha ay kooxda Boko Haram ka afduubatay iskuul ay wax ka baranayeen.

Xukuumadda Nigeria ayaa dhawaan sheegtay inay heshiis xabbad-joojin ah la gashay kooxda Boko Haram, isla markaana ay rajeynayaan in heshiiskan uu qayb ka noqdo dadaallo lagu doonayo in gabadhaha afduuban lasoo daayo.

Kooxda Boko Haram oo macnaha magacoodu u taagan yahay, Waxbarashada reer Galbeedku waa Xaaraan – ayaa dagaallo kula jiray xukuumadda Nigeria tan iyo sannadkii 2009-kii; iyaga oo deegaanno badan oo Nigeria ku yaalla boqolaal haween ah ka afduubay.

SOMALILANDPOST.NET