Bogagga Taariikhda Bisha Jeenawari Iyo Yaabka Berbera

Berbera: Magaalo 70 Sanno gudahood Soo martay 3 Dagaal, 4 Calan oo la sudhay, 8 Sanno Gudahood 3 Maayar  oo  xilka qabtay

Hal-ku-dheg caalami ah ayaa leh “Dadku wuu dhintaa Taarikhduse ma dhimato”. Sooyaalka Maalmaha iyo gadgadoonka waayuhuna waxay si joogto ah u xambaarsanyihiin, maalmo sumad gaar ah yeesha oo sabab u noqda munaasabado lagu xusuusto.

Qormadan oo aan si gaar ah ugu iftiiminayo maalmo taariikhi ah oo ku jiray Bisha Jenawari iyo  dhacdooyin waayahooda lahaa oo ka dhacay Magaalada Berbera iyo Deegaankeeda. Oo ay kamid ahaayeen

Jan.1862kii waxaa  la bilaabay Dhismaha qaybaha qadiimiga ah ee Biyaha Dubaar. Waxaanu dhamaday bishii Nofembar ee sanadkaasi, dhinaca kalena Magaca Dubaar oo ah erey kasoo jeeda Afka Turkiga oo macno ahaan noqonaya SAAFI. Ayaa loogu wanqalay Deegaankii biyahaasi laga helay, shirkad Masaari ah oo hoos imanaysay Imbaradooriyadii Cismaaniyiinta ayaana hirgelisay mudadaasna waxaa Magaalada Berbera madax ka ahaa Nin lagu magacaabi jiray C/raxmaan Bey.

3-Jan 1900 Maamulkii mustacmaradi Ingiriiska ayaa xadhiga ka jaray Xabsiga Mijacaseeye oo hoos iman jiray B/bera, (Sida ku cad qoraal laga helay Ciidanka Asluubta oo ku taariikheysnaa  Okt 1985kii warbixintaasi oo ka hadlaysay hawsha Ciidanka iyo tayada xabsiyada JDS)

7-Jan.1975 tirakoob ay samaysay  W/qorshaynta qaranka ee Xukuumadii Somaliya, ayaa lagu sheegay tirada  dadka ku dhaqan Magaalada Berbera 61.498 Qof, Balse waxa labadii doorasho ee isku sidkanaa  31.5.2021 dadka ka diiwaangashanaa Gobolka Saaxil wuxuu ahaa 116,607 Qof. Hadaba tirakoobkaas oo aan ka tixraacay nuqul kasoo baxay Wasaaradii Qorshaynta Somaliya, waxay is waafaqeen Buuga sababihii Burburka  Soomaaliya ee uu qoray C/qaadir Oromo. Page-ka 144 waxaana qoraagu soo xiganayaa  tirakoobka 1975kii  dhowr degmo iyo inta dadka ku nooli noqday  iyo arin kale oo ahayd tirada kuraasta baarlamaanka ee kasoo bixi jirtay, Doorashooyinkii Nidaamki MSBarre ka horeeyay, Degmadda Berberana waxaa laga soo dooran jiray 5 Xildhibaan.

  • Degmada Gebilay oo dadkeedu ahaa 65.535 Qof waxaa laga soo dooran jiray 1 Xildhibaan,
  • Degmada Buulobarde oo wakhtigaa ku dhaqnaayeen 54.595, waxa laga soo dooran jiray 7 Xildhibaan.
  • Degmada Afgooye oo dadkeedu ahaayeen 90.410 Qof, waxaa laga soo dooran jiray 6 Xildhibaan.
  • Degmada Jowhar o xiligaasi laga diiwaangeliyey 104.829 Qof waxaa kacaanka ka hor laga soo dooran jiray 3 Xildhibaan.
  • Magaalada Muqdisho oo ahayd caasimadii labadii gobol ee Waqooyi iyo koonfur waxaa dadkeedu ahaa 349.245.Qof waxaana laga soo dooran jiray. 2 Mudane

12 Jan 1982kii Jiidaha Magaalada Berbera ee dhinaca Beriga  waxaa ka dhacay dhoolatus Meleteri oo ay ka qayb-qaateen Meleteriga Soomaaliya iyo Ciidamadii   Maraykanka ee ku sugnaa Badda Cad oo ka koobnaa Ciidanka Lugta, Gawaadhida Gaashaaman, Ciidanka Cirka,  dhoola-tuskaas oo loogu magac-bixiyey Xiddigta dhalaalaysa (The Brigtht Star),  arinta cajiibka noqotay   markii Dhoolatuskaasi qaybihiisii ugu muhiimsanaa  ay  ku gacan sareeyeen Ciidankii Somaliya.  Waxa kale oo layaab lahayd sida saxaafadda Afka dheer ee Dalalka Reer  Galbeedku  ay u kashifeen ceebta ku dhacday Ciidankooda. Laba sano kadib dhoolatus kale oo loogu magac daray Dabaysa Badda Cad ayaana Maraykanku la sameeyey Meleteriga Masaarida.

2 Jan 1983kii  Cutub ka tirsan Ciidankii SNM oo uu hogaaminaayey Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle), ayaa weerar gaadmo ah ku galay dhismaha Xabsiga Mandheera  oo kamid ahaa xarumaha ugu ilaalad adag Jeelashii  Taliskii MSBare, Mujaahid Lixle iyo Colkiisii  waxay  ooda ka rogeen,  Gebi ahaanba maxaabiistii ku xidhnayd  Xabsigaasi

21.Jan 1920kii  Gulufkii ugu weynaa ee Ciidamada Ingiriisku  ku qaadeen Daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdule Xasan ayaa maalintaa Bilowday Hawsha ugu culusina waxay ka socotay Magaalada Berbera oo lagu diyaariyey Agabkii iyo Tas-hiilaadkii weerarkaasi lagu galay, waxaa markii ugu horaysay la hawlgeliyey laba Raxamood oo Dayuuradaha Dagaalka ah oo iyagoo furfuran lagu rakibay Deegaanka Laas-ciidle oo 116 Km dhinaca Bari ka xigta Berbera, Duulaankaas dhinaca hawada waxaa baalsocday  kumanaan Askar ah oo dhinaca dhulka soo maray jihooyin kala duwan kasoo weeraray Xaruntii Daraawiishta  ee Taleex,   Duulaankaas oo lagu jebiyey  ciidamadii  Daraawiishta,

Hase ahaatee talaabada yaabka leh ee xukuumadii Ingiriiska maalintaasi ay ka samaysay Berbera oo umad badan ka yaabisay waxay noqotay markii Meelo dhowr ah oo Magaalada ah laga taagay Subaxnimadii 21-ka Jenawari. calanka  ciidanka Ingiriiska oo ka koobnaa Laba seefood oo isweydaarsan dhexdana uu kaga sawiran yahay Libaax dul-taagan Taaj. Iyadoo loola dan leeyahay  Maamuus loo samaynayo Guusha Ciidamada Ingiriiska.

22 Jan 1941 waa 20 Sanadood ka dib  Jabkii Daraawiishta,  ciidamo si weyn u hubaysan oo kasoo duulay saldhigii Meleteri ee Dowlada Ingiriisku ku lahayd Magaalada Cadan, ayaa si rasmi ah gacanta ugu dhigay Magaalada Berbera oo 19.8.1940kii Ciidamadii Talyaanigu Xoog ku qabsadeen. Xiligaas oo uu dunida ka socday Dagaalkii 2aad ee Dunidu mudadaas oo dhamayd 155 Maalmood waxaa taariikhdu  u taqaanaa TALYAANIGII.  taasoo loola jeedo inuu Geyiga Somaliland haystay Nidaamkii Talyaanigu. Waxaana qasab noqotay in mar kale la sudho Calankii Boqortooyada Ingiriiska, Nidaamkii Fashiistiga ahaa ee Dagaalkaasi ku jabayna in Bandiiradiisii dhulka lagu tuuro.

23.1.1991 Konton sano kadib Jabkii Talyaaniga  waxaa Tuulada DABA-BAHAL  Kasoo ruqaansaday ciidamo ka tirsan ururkii SNM, sida ka muuqada Muuqaal Video ah oo laga duubayna Sarkaal ka tirsan Madaxdii Ciidankaasi Maxamed Axmed (Talaada-codle). Oo ka warbixinaayey  tirade ciidanka  iyo Gaadiidkooda  ayaa sheegay inay ka kooban yihiiin  1350- Hubaysan, 23 Gaadhi oo Tekniko ah,  21 Baabuur oo Xamuul ah, waxaanay Weerar ku hilaaciyeen  Berbera, Dagaalo soo noqnoqday oo Aagag kala duwan ka dhacayna  Galabnimadii 29.1.1991 ayaa si rasmi ah  gacanta loogu dhigay waxaana taariikhdaas lagu dhidbay Calankii SNM. Inkastoo calankaasi 4 Bilood kadib oo ku  beegnayd 18.5.1991 ayaa Calankii hore ee Somaliland laga taagay kaasoo midabkiisu ahaa cadaan dhexda ku leh Goobaabin doogo ah oo si wareeg ah uu ugu qoran yahay  Towxiidku.

Balse 7.1.1997 waxaa Xarunta Gobolka Saaxil iyo Afaafka hore ee Dekeda lagu dhidbay Calanka xiligan ee Sadexda midab iyo towxiidka leh, ee  lagu yaqaano Somaliland.iyadoo uu meesha ka baxay Calankii koowaad ee Somaliland.

17 Jan Sanadkii 2000 M/weynihii 2aad ee Somaliland AHN Maxamed I. Cigaal oo booqasho ku joogay Magaalada Berbera, ayaa socod lug isagoon wadanin wax ilaalo ah kasoo bilaabay Wadada hormarta Bankiga Berbera ilaa Makhaayadda Baraatka ee Suuqa Daaroole, isla taariikhdaasna wuxuu Duqa Magaalada u magacaabay AHN Xasan X. Maxamuud Warsame (Xasan-Gadhweyne), oo ahaa Maayarkii u dambeeyay ee Dowladu soo magacowdo,

Afar sano kadib oo ku  beegnayd  14.1.2004 Waxaa Golihii Deegaanka ee Berbera u doorteen Cabdi Jaamac Ducaale (Cabdi-Musbaar) oo Noqday Gudoomiyihii labaad ee G/Deegaanka tirada codadka uu helayna waxay ahaayeen 14-Cod, arinta  Cajiibka ah ee xiliyadaas dhacdayna waxaa kamid ahaa tirooyinka 14- iyo 18 Tusaale ahaan Cabdi-Musbaar  Maalinta uu maayarka noqday  taariikhda waxay ahayd 14-kii bisha 1aad, codadka uu helayna waxay ahaayeen 14 Xildhibaan.

Maayar Cabdale Maxamed Cali (Cabdala-Sandheere) wuxuu xilka wareejiyey 18kii Bisha khudbadii uu maalintaa jeediyey oo uu aad ula  kaftamayey Cabdi-Musbaar wuxuu weydiiyey su’aal  si aad ah uga qoslisay   Cabdi-Musbaar oo ahayd “Horta Cabdoow Gaadhigaagii Mark II ahaa ee Socodka badnaa miyaanu marna kaa xumaan jirin, waxaan ka yaabi jiray  halkaad Isbeer-baadhkiisa ka heli jirtay, Baabuurkaas oo Lrkiisu ahaa 13014.

Hase ahaatee 18.1.2008 ayaa  markii labaad loo doortay Duqa Magaalada Cabdale Maxamed Cali (Cabdale-Sandheere). Oo helay 18 Cod.

Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf