Wasiiro iyo Shir-guddoonka Wakiillada Oo Ka Qeybgalay Munaasibad Shirkada HASS Petroleum ay Dab0damis ugu Wareejinaysay Haamaha Shiidalka Berbera (SAWIRRO)

Berbera  (SLpost)-  Shirkada shidaalka ee HASS Petroleum ayaa gaadhi Dabdamis ah ku wareejisay Haamaha Keydka Shidaalka ee magaalada Berbera.

Munaasibad loo qabtay wareejinta gaadhiga dab-demiska ah oo ka dhacday hoolka haamaha shidaalka magaalada Berbera, ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka wasaarada madaxtooyada Xirsi Xaaji Xasan, Wasiirka Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka1aad ee Golaha Wakiillada Md Baashe Maxamed Faarax, Madaxda Shirkadda HASS, Masuuliyiinta Haamaha Keydka Shidaalka, Madaxda maamulka gobolka iyo degmada Berbera iyo Marti-sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay muhiimadda ay xukuumaddu siinayso cid kasta oo Wax ku kordhisa baahiyaadka adeegyada bulshada.

Wasiirka oo arrimahan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Hanti kasta oo Qaranku leeyahay oo halbowle ah cidkasta oo wax wax kusoo kordhisa kana shaqeysa horumarkeeda waanu soo dhaweynaynaa. Waxaan u mahadnaqayaa Guddoomiyaha Shirkada HASS iyo waliba ragga madaxdeeda ka mid ka ah ee Wasiirkii hore ee Boosahu ka mid yahay oo ahaa saaxiibkayo, waana tallaabo ku dayasho mudan in wasiirada xilka ka tagaan aanay saaqidin oo hudheelada fadhiisan ee shirkadaha uga faa’iideeyaan wax tarkooda”

Wasiirka Ganacsiga C/risaaq khaliif Axmed ayaa si balaadhan ugu mahadnaqay Shirkada HASS waxaanu ku dheeraaday muhiimada gaadhigani u leeyahay magaalada Berbera iyo Haamaha keydka shiidaalka.

Guddomiye ku xigeeka koowaad ee Golaha Wakiillada Md Baashe Maxamed Faarax oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaan soo dhaweynayaa C/Naasir inuu kusoo dhiiraday Somaliland, dad badan oo Somaliland ka baqayay ayay wax tusaysaa inuu ku aaminay xoolihiisa. Waxaan leeyahay dadkii odhan jiray ma bixisaan cashuur maanta waad arkaysaan oo waanu bixinaaa oo anagaa leh shirkadda HASS see cashuur-bixiyaha ah,” ayuu Gudomiye kuxigeenka Golaha Wakiilada JSL.

Duqa degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin), Maareeyaha dekeda Berbera Cali Maxed Cumar (Cali Xoor-xoor), Mareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka Berbera Maxamuud Gahayr Ismaacil oo dhammaantood madasha ka hadlay, ayaa ka waramay maraxalada ay haama shidaalka ee magaalada Berbera soo martay, sidoo kalena wuxuu u mahad celiayay shirkada shidaalka keenta ee HASS Petroleum.

Guddomiyaha gobolka saaxil Cali Maxed Cilmi oo isaguna ka Hadley munaasibaddaas, ayaa  yidhi, “Munaasibad waliba maqaalkeeda ayay leedahay, munaasibada aynu maanta joogno waxaynu gaadhi damdamis ah kala wareegaynaa shirkadda HASS Petroleum aad iyo aad ayaad ugu mahad santihiin sida quruxda badan ee isugu xil qaateen gaadhiga.”

Guddomiyaha guud ee HASS Petroleum C/naasir Cali Xasan oo gebo-gabadii munaasibadda ka hadlay, ayaa xusay inaan gaadhigan noqon doonin gaadhigii ugu horeyay ee Berbera la keeno, “Waxaan Somaliland  la qaban doona wax badan, dhalin yarada jaamacada ka soo baxday ayaanu tabobabaro siin doona xaga farsamada ah,” ayuu yidhi Mr Cabdinassir

Guddoomiyaha Shirkada HASS ee Somaliland C/risaaq Ibraahim Ataash ayaa isna tilmaamay in arrinta ka danbaysay kadib dalabyo ay u gudbisay wasaaada ganacsiga.

SOMALILANDPOST.NET/Berbera

Yasin@somalilandpost.net