Berbera: Markab u rarnaa Ganacsatada Somaliland oo Dib ula noqday Shixnaddii uu siday oo $5 Milyan lagu Qisaasay

Berbera (SLpost)- Markab u rarnaa Ganacsato reer Somaliland ah isla-markaana muddooyinkii u dambeeyay ku xidhnaa Dekedda Magaalada Berbera, ayaa marsada dib uga goostay iyadoon Alaabtii laga rogin.

Warar uu helay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegaya in Markabku ka goostay Dekedda Berbera, ka dib markii ay is khilaafeen Ninkii Wakiilka u ahaa oo deggan dalka Imaaraadka Carabta.

Dekedda Berbera

Illaa hadda lama oga meel uu jaan iyo Cidhib dhigay Markabkan oo Ganacsatada Somaliland u siday Alaab lagu Qiyaasay illaa 5 Milyan oo Dollarka Maraykanka.

Advertisement

Warar kala duwan oo Geeska Afrika soo gaadhay, ayaa sheegay in Ganacsatadu ku mashquulsan yihiin inay meel ku ogaadaan Markabkii alaabta u siday, balse illaa hadda lama oga halka uu ku sugan yahay Markabkaasi.

Xilliga Markabku Alaabta la goostay, ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Maalmo ka hadheen Ciidda Carafo.

Follow us On