Berbera: Faanka Beenta, Foorarka Runta, Fiirrada Nolosha, Ficilka Tukaha Iyo Fooridda Dabaysha

Meeshu waa Berbera. Waa magaaladda keliya ee ku taala 800km oo xeeb ah. degsiimooyinka kale ee ku yaalaa waa daabiyado yaryar oo aan koriin samaynin, isla markaana waxa taa loo aaneeyaa dadka oo aan baranin macaanka nolosha xeebaha. Waqtigu xaggaa dadku ka soo diday kulaylka xeebta badda  cas ma aha, haddana, Berbera waxay u eg tahay mid amintaa ku jirta. Jawigu waa kii Jiilaalka ee maaha mid kale. Waa xilligay ugu dadka badnaan jirtay, misana qalamaanyo mooyee shacbiga joogaa ma tira badna.

Berbera-cityQofka aan Berbera arag ama muddaba mooganaa, wuxuu ku xisaabtamayaa sawir ka duwan muuqaalka dhabta ah. dabcan, waa suure, waxa maankiisa sidaa u sheegay inuu yahay, xayaysiis badan oo wax qabad tilmaamaya oo  xukuumaddu muuq baahiyayaasha, hadal, hees iyo  sawirba ka baahiso, laguna soo celceliyo. La yaab malaha qofka dacaayadahaasi maskaxdiisa raadeeyaan, ilaa uu xaqiiqda helana ma xoori karo humaagaa.

Waxoogaa koriin dhinaca dhismaha ah ayay magaaladu u samaysay bari iyo koonfur bari. Guryo qurux badan oo  qorshayn magaalo weheliso ayay u muuqdaan degsiimooyinkaasi. Jidadka magaaladda ayaa iyana tiro ahaan kordhay, kuwaasoo badi la dhisay xilligii uu Cabdalle Sandheere maayarka ka ahaa, inta kalena Maamulka Ciddin. Garoonka wayn ee loogu magac daray Cabdalle oo uu dhisay, ayaa isna la sheegaa inuu qayb ka yahay sababaha dhiiri geliyay, koriinka kooban ee magaaladu u samaysay dhinaca koonfur iyo bari. Huteelo hurdo iyo cunto oo dhawr ah ayaa iyana laga dhisay. Hase ahaatee hadaad seegto waqtiga, waa suuragal inaad waydo cunto fiican. Siday sheegeen dad Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay amuurtaasi, wax soo saarku wuxuu ku sar jaran yahay xaddiga dadka. Isha dadku maaha mid cokan, mana aha mid tawan baahi xun. Qof iyo taagtii kala saraynta waxay kala siman yihiin bulshada kale.  Way fududahay qofku inuu lumiyo xorriyadiisa, oo uu amaano, difaaco, wax uu og yahay in aanay run ahayn iyo masuulka la jira hawshaaba. Waayo, noloshii baa kaga xidhan. Dabeecadani maaha mid keli ku ah halkaa ee waa mid la wadaago, markay taagan tahay amaanta madaxda,  xan u soo xuuraanka iyo difaacidooduba.

Jaleeca kale, ayaa tusmaynaysa korodhka tiradda Tukaha. Qaaqdiisa iyo haadistiisuna feejigo iyo fiiro kaleba, waa muuqaal daymadiisa aad ku khasban tahay, cod ahaan iyo bidhaan ahaanba markuu hawada dhaw heehaabayo.

Sii qalista eraygu garasho ma kordhinayso, taabashada iyo xuskuna waa xarragada sheegista waxa jira. Sidaa aawadeed,  suuraynta muuqaalka guud aan intaa ku dhaafno, isla markaana aan milicsano tabaalaha kale ee jira iyo dhaashi la,aanta Berbera.  Maxkamadaha iyo Jeelashu waa tiirarka garsoorka iyo caddaalada. Intaan la odhan caddaalad darraa jirta, waxa ka horaysa siduu u eg yahay gurriga caddaaladu?. Waa sidee hoyga dhaqan(jeelka) celinta maxbuusku?.  Labadaa waydiimood jawaabahooda  ayaa fure u noqon doona falanqayntan, oo dhinacyo kala duwan ka milicsan doonta Berbera…..la soco…… cadadka dambe

OGAAL