BERBERA: Daawo Kooxo hubaysan oo Weerar ku qaaday Maxjar Cusub oo Ganacsato reer Somaliland ahi hirgeliyeen

Berbera (SLpost)- Kooxo ku hubaysan Faashash, Baangado, Budhadh iyo gaadiid kala duwan, ayaa shalay weerar ku qaaday Maxjar Cusub oo dhismihiisu ka socdo Duleedka Koonfur-Bari magaalada Berbera, kaas oo ay maalgashanayaan ganacsato waaweyn oo Xoolaha Dhoofiya Dekedda Berbera.

budhcadKooxda Weerarka geystay oo way Dhowr gaadhi oo yar-yar, ayaa sidoo kale la sheegay inay ku hubaysnaayeen Hubka noocyadiisa kala duwan, in kasta oo aanay ka muuqan, haddana sida dad goob-joog ahi sheegeen, hubku waxa uu saarnaa baabuurta ay ku duullaan-tageen.

Magaalada Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil, waxa ku yaala laba Maxjar oo ay kala leeyihiin Ganacsataha Sucuudi Carabiya u dhashay ee Al-Jaabiri iyo Ganacsade Reer Somaliland ah oo lagu magacaabo Ilma Faarax Xarbi.

budhcad2Ma jiro waxyeello nafeed oo ka dhalatay duullaanka kooxdani ku qaadday Goob laga dhisayo Maxjar Saddexaad oo magaalada Berbera yeelato. Maxjarka ayaa ah Seere xoolo caafimaadkooda lagu karantiimeeyo ka hor inta aanay ka dhoofin dekedda magaalada Berbera.

Lama oga sababta keentay iyo cidda ka dambaysa weerarka Kooxdani ku qaadday Seeraha laga dhisayo Maxjarka Saddexaad ee magaalada Berbera, haseyeeshee waxa la ogyahay isla markaa jirtay Dacwad Maxjarka ILa Faarax Xarbi ka gudbiyeen Maxjarka Cusub ee la dhisayo, iyaga oo ku dooday in ay leeyihiin qayb ka mid ah Dhulka uu ku yaalo Seeraha laga dhisayo Maxjarka Cusub.

HALKAN KA DAAWO WARKA OO DHAMMAYSTIRAN

SOMALILANDPOST.NET