BERBERA: Caaqil ku geeriyooday iyo Laba Wasiir oo Ku Dhaawacmay Shilal Baabuur oo soo Gaadhay Weftigii Madaxweyne Siilaanyo ee Socdaalka ku marayey gobollada dalka

Berbera (SLpost)- Wasiirada Wasaaradaha Caafimaadka iyo Warfaafinta ee Somaliland iyo Afhayeenka madaxtooyada oo ka mid ah weftiga Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhaawacyo ka soo gaadheen shil baabuur oo saaka ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Burco iyo Berbera, iyaga oo ku soo jeeday dhinaca caasimadda Hargeysa.

Waxa kale oo shilka Baabuur ku geeriyooday Caaqil Cabdi Hadoodil oo ka mid ahaa weftigii Madaxweyne Siilaanyo soo galbinayey, waxaa kale oo ku dhaawacmay nin kale oo la socday, waxaanay saarnaayeen gaadhi Surf ah oo ay isku dhaceen gaadhi uu watay Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Cukuse, ayaa wararku sheegeen gaadhigii uu watay gadoomay, isla markaana uu ka jabay Gacanta, halka Wasiirka caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo isaga aanu soo gaadhin dhaawac muuqda, balse uu markiiba Miyir doorsoon ku dhacay, ka dib markii uu gaadhigiisu ku dhacay labada baabuur ee Wasiir Cukuse iyo baabuurka Caaqilka Geeriyoooday.

Warku waxa intaas ku daray in Dhaawaca labada wasiir la geeyey Cusbitaalka Cisbitaalka Berbera oo wakhtigan lagu dabiibayo.

LA SOCO WIXII KA SOO KORDHA.

SOMALILANDPOST.NET