Beesha Isaxaaq Carre oo Shir guud ku dooratay Beddelka Suldaan dhowaan Geeriyooday

Suldaan-MaxamedHargeysa (SLpost)- Beesha Isaxaaq Carre oo ka mid ah Beelaha Habar-Yoonis, ayaa shir guud oo ay maanta ku yeelatay magaalada Hargeysa waxay kaga wada hadleen ciddii buuxin lahayd booska Suldaankii ugu weynaa Salaadiinta Beeshaas Suldaan Xasan Warsame Shire oo dhawaan ku geeriyooday Daad ku qaaday Dooxa Dacar Budhuq isaga oo wakhtigaas ka mid ahaa Wefti isugu jira xukuumadda iyo madax-dhaqameed gurmad ugu amba-baxay deminta shaqaaqo dhowaan laba beelood ku dhex-martay gobolka Sanaag.

Shirkan ahaa mid ay u dhamaayeen Cuqaasha, wax-garadka iyo Odayaasha saddexda ardaa ee Beeshan Isaxaaq Carre ka kooban tahay, ayaa ugu horeyntii waxa loogu duceeyey Marxuumkii Geeriyooday Inuu ilaahay naxariistii Jano ka waraabiyo.

Sidoo kale, waxa laysku afgartay in booska bannaanaaday buuxiyo Maxamed Suldaan Xasan Warsame oo ah Wiilka Curad ee Marxuunka, iyadoo gabagabadiina waxa madasha loogaga Duceeyey in Illaahay u fududeeyo Suldaankan Cusub ee Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Warsame Shire oo todobaadan si rasmi loo caleemo-saari doono.

Dhinaca kale, waxa madasha la iskula qaatay in Suldaanka cusub (Suldaan Maxamed Suldaan Xasan) la Caleemo-saaro Maalinta Khamiista ee bishu tahay 12 September 2013 iyada oo lagu Caleema-saari doono Hotelka KAAH ee Magaalada Hargeysa.

Somalilandpost.net/Hargeysa