“Beesha Ciise Muuse Haddii Ay Shirayso Oo Go’aan Qaadato, Waanu Soo Dhaweynaynaa”

Hargeysa  (SL.Post) Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay inay Xukuumadd ahaan soo dhaweynayaan shirka ay dhawaan ku dhawaaqeen inay qabsanayaan beesha degta gobolka Saaxil.

 

Wasiir Xaashi

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirka Madaxtooyada oo warbaahintu weydiisay in Xukuumaddu is hortaagayso qabsoomida shirkaasi, waxa kale oo uu sheegay inay ka qaybgalayaan shirkaasi, islamarkaana ay u soo dhaweeyeen shirar noocan oo kale oo oo deegaanada Somalilad ka qabsoomay.

 

 

 

“Shirarka beelaha ee aanu tagno nuxurkoodu wuxuu salka ku hayaa, cid kasta oo wax wanaagsan wada oo is abaabulaysa waanu tagnaa, waanan tegi doonaa, kuwa horena waanu oo kuwo hore oo qabsoomayna wey jireen. Xukuumaddu beel shiraysa oo labeenteedii , aqoonyahankeedii iyo Qoor-weynteedii ma joojin karto shirkaa.” ayuu yidhi Wasiirka madaxtooyada Maxamuud  Xaashi Cabdi

 

 

 

Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu sheegay in Xukuumadd ahaan ay shirka beesha gobolka Saaxil ku dhawqaaeen soo dhaweynayaan “Beesha Ciise Muuse haddii ay shirayso oo go’aan ay qaadato waanu soo dhaweynaynaa,  waanu ka qayb-galaynaa, waanu isku kalsoonahay oo door baanu ka qaadanaynaa. Intaan xogo-ogaalka ka ahay, anagu Xukuumadd ahaan shirkaa ma diidanin, waxaanse xogogaal u ahay Waayeelkii, Salaadiintii iyo guddiyadii  ayaa ku kala qaybsaman, waxaanu hadda wadnaa inaan isku soo jiidno si uu shirku u qabsoomo.” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.

 

 

 

 

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu intaas ku daray,  “Xalay waxaanu la shirnay qayb, caawa waxaanu la shiraynaa qayb kale oo inaanu Ummadda midayno waa masuuliyad na saaran, waanu midaynaynaa. Shirkaana waanu ogolnahay ma diidanin, shirarka ay Xukuumaddu diidaa waa kuwa qaranka lagu duminayo oo ma qabno shirkani inuu yahay mid qaran lagu duminayo, mana noqon karo shirarkii Taleex maxaanu u diidaynay?, kii Saaxdheer maxaanu u diidaynay? dee waxay ahaayeen shirar qaranka lagu duminayo , Dubur waa lagu shiray waanu ogolayn,  Daallo ayaa lagu shiray waanu ogolaanay dhamaan shirarka noocyadaas oo dhan waanu soo dhaweynaa waanan ogolnahay.”

 

 

 

Halkan ka daawo.

 

 

Somalilandpost. Hargeysa