Beesha Caalamka oo War-murtiyeed Ka Soo Saartay Xiisadda Laascaanood

Degmada Laascaanood
Degmada Laascaanood

Hargeysa (SLpost)- Beesha Caalamka ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo maalmihii u dambeeyey dagaal ku dhexmaray Ciidamada Qaranka Somaliland iyo Malleeshiyaad deegaanka u dhashay oo ay wehelinayaan xoogag huwan oo isaga kala yimi dalalka deriska ah.

War-saxaafadeed ay maanta wada-jir u soo saareen Dalalka iyo Ururada beesha caalamka, ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladda magaalada Laascaanood iyo abaabul ay halkaas ka wadaan kooxo hubaysan.

Beesha caalamku waxa ay baaqday in gaar-gaar deg-deg ah la gaadhsiiyo dadka ku baracay dagaalka Laascaanood, waxaanay dhinacyada iska soo horjeeda ugu baaqeen inay fududeeyaan isla markaana aanay wax hor-istaag ah ku samaynin gargaar iyo taakuleynta loo qoondeeyey dadka shacabka ah.

Advertisement

War-murtiyeedka beesha Caalamka waxa lagu sheegay inay si adag u cambaareynayaan rabshadaha sii socda ee magaalada Laascaanood waxayna walaac xooggan ka muujiyeen “wararka la xidhiidha abaabulka kooxaha hubaysan”.

“Waxaan aad uga walaacsannahay duqeynta loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka, taasoo sababtay waxyeello iyo barakac baahsan. Waa in si degdeg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan shaacisay xabbad-joojin dhinac kaliya ah haseyeshee ma suurta-galin xabbad-joojintaasi kaddib markii malleeshiyaadka ku sugan magaalada Laascaanood weerarro ku soo qaadeen fadhiisimada Ciidamada Qaranka.

War-murtiyeedka Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in loo hoggaansamo xabbad-joointa, waxaana lagu yidhi, “Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyadu inay u hoggaansamaan xabbad joojinta, is xakameeyaan, oo ay galaan wada-hadal wax dhisaya si loo helo waddo lagu gaadho xal nabadeed.”

Waxa kale oo Beesha Caalamku sheegtay, “Waxaan ku celinaynaa baaqeenna ah in gargaar bani’aadanimo oo aan la hor istaagin si deg deg wax looga qabto baahiyaha dadka barakacay ee ay saameeyeen rabshadaha socda,” Sidaas ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka oo ay wada-jir ugu saxeexan yihiin Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Midowga Yurub, Itoobiya, Finland, Faransiiska, Jarmalka, IGAD, Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Holand, Norway, Ururka Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Sweden, Switzerland, Turkiga, Uganda, UK, Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Follow us On