Beesha Caalamka Oo Cambaareysay Tacaddiyo ay Ku Kaceen Kooxaha Huwanta Laascaanood

Hargeysa (SLpost)- War-murtiyeed ay wada-jir u soo saareen beesha Caalamka ee wada-shaqaynta la leh Somaliland maanta, ayaa lagu cambaareeyey tacaddiyo ka dhan bani’aadamnimada oo kooxaha Huwanta ah ee Laascaanood u geysteen Maxaabiis ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland.

Maleeshiyaadka Deegaanka oo kaashanaya ciidamada Maamul-goboleedka Puntland iyo kooxo Argagixiso ah oo ka hawl-gala Laascaanood, ayaa weerar ku qaaday Ciidanka Qaranka ee Somaliland oo ku gudo-jira Geeddi ay kaga soo guurayaan fadhiisimadii ay ku lahaayeen Bariga Magaalada Laascaanood.

War-murtiyeedka Beesha Caalamka, ayaa u qornaa Sidan:- “Saaxiibbada beesha caalamka waxay si adag u cambaareynayaan sii hurinta colaadda Laascaanood iyo waliba wararka sheegay sheegay in dagaalku ku fiday bannaanka magaalada.

Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ku heshiiyaan xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah. Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo abaabulka Ciidanka, saadka iyo hubka la siinayo.

Waxaan aad uga walaacsanahay warbixinnada sheegaya inay jiraan tiro badan oo maxaabiis ah, waxaanu ka filaynaa kuwa ku lugta leh inay u hoggaansamaan sharciga xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada, gaar ahaan ilaalinta dadka Rayidka iyo kaabayaasha Bulshada.

Waxaan ku celinaynaa muhiimada ay leedahay in la xaqiijiyo helitaanka gargaar bini’aadantinimo oo aan la carqaladayn gaadhsiinta dadka u baahan.

Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada in ay ka fogaadaan hadalada xanafta leh ee wax kala qaybiya. Dhammaan cabashooyinka iyo xiisadaha taagan waa in lagu xalliyaa si nabadgelyo iyo wada-hadal ah.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka beesha caalamku kaga hadashay dagaalka Laascaanood.

War-murtiyeedka waxa si wada-jir ah u soo saaray Beesha Caalamka oo ka kooban Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Urur-goboleedka IGAD, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo waddamada ay ka mid yihiin Ingiriiska, Maraykanka, Belgium, Canada, Djibouti, Ethiopia, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Kenya, Saudi Arabia, Netherlands, Norway, Qatar, Russia, Sudan, Sweden, Switzerland, Türkiye, Uganda.

Kooxaha Huwanta ee ku sugan Laascaanood, ayaa tacaddiyo ka dhan bani’aadamnimada kula kacay maxaabiista gacantooda gashay, iyadoo muuqaallo laga duubay ay muujiyeen Maleeshiyaadka Huwanta oo Jidh-dil u geysanaya askar Dhaawac ah iyo Maxaabiis ay gacanta ku dhigeen.

Afhayeen u hadlay kooxaha Huwanta ee Laascaanood, ayaa jir jaraa’id oo ku qabtay Laascaanood ku sheegay inay gacanta ku hayaan maxaabiis tiradoodu ka badan tahay 200, haseyeeshee ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashadooda, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Qaranka ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpos.net