Beelaha Hawiye oo Shirweyne ka yeeshay Muddo-kordhinta Farmaajo iyo Aayo-ka-tashida Siyaasadda Somalia

Advertisement

Muqdisho (SLpost)- Magaalada Muqdisho ee Xarunta Dalka Soomaaliya waxa maanta ka furmay shirweyne ay isugu yimaaddeen Odayaasha Dhaqanka, wax-garadka, Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, Xildhibaannada, Haweenka iyo Dhaqalinyarada Beesha Hawiye, waxaana shirka lagaga soo horjeestay muddo-kordhinta loo sameeyey Madaxweyne Maxamed Cadbilaahi Farmaajo.

Shirweynaha oo ay sidoo kale goob-joog ka ahaayeen labada maamul-goboleed ee Galmudug iyo Hirshabeelle, waxa lagaga arrinsaday aayaha dalka Soomaaliya oo xilligan maraya xaalad adag kaddib markii muddo-kordhin laba sanno ah loogu daray madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday xilli loo diyaar-garoobayey doorashooyin ka qabsooma dalkaas.

Ujeeddada shirka ayaa lagu tilmaamay mid lagu badbaadinayo Qaranimada Soomaaliya, waxaana laga jeediyey hadallo muujinaya sida ay beeshu uga soo horjeeddo muddo-kordhinta loo sameeyo Farmaajo oo ay ku tilmaameen mid ka horimanaysa nidaamka sharciga ee Soomaaliya isla markaana lagu badbaadinayo midnimada iyo jiritaanka umadda Soomaaliyeed.

Advertisement

Muuqaalka Hoose kaga Bogo oo ka daawo shirweynaha Beelaha Haweiye oo dhammaystiran

Shirka oo socday muddo ku dhow laba saacadood, waxa hadallo ka jeediyey Odayaasha Dhaqanka, madaxweyneyaashii hore usoo maray Soomaaliya, Murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Advertisement