“Barnaamijka Shaqo-qaran wuxuu badbaadiyey Dhalinyaro badan oo Badaha ku dhiman lahayd” – Taliye Nuux Taani

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi ku ammaanay hirgelinta Barnaamijka Shaqo Qaran oo ka mid mashaariicda hal-abuurkoodu hirgalay ee xukuumaddiisa, kaas oo Taliyuhu ku tilmaamay inuu dhalinyaro badan ka badbaadiyay tahriib iyo Shaqo la’aan.

Taliye Nuux Ismaaciil Taani oo shalay ka hadlay xaflad loo qabtay qalinjebinta dufcadii saddexaad ee dhalinyarada barnaamijka shaqo Qaran, ayaa ugu duceeyey inuu Ilaahay SW nasiibkooda wanaajiyo, isla markaana garansiiyo waddankooda.

Waxa uu u sheegay Taliye Nuux in shaqo Qaran hore u jiri jirtay, balse wadankeena markii Madaxweynaha JSL ka bilaabay dhalinyaro tiro badan badbaadiyey.

Advertisement

“Madaxweyne Md Muuse, Shaqo Qaran markaad wadanka ka bilowday waxay nabadgelisay dhalinyaro badan oo baddaha ku dhiman lahayd, ama suuqa warwareegi lahayd.”

Taliye Nuux ayaa sheegay in dhaqaalaha oo inna dabraya awgeed aanay xukuumadu wada kafayn Karin in dhamaan dhalinyarada jaamacadaha ka baxa la wada qaato, waxaanu isagoo ka ahdlaya muhiimadeeda sheegay,

“Shaqo Qaran waxay leedahay oo ugu horeeya in qofku edeb (discipline) yeesho, oo waxa ugu wanaagsan ah. Madaxweynayaasha Caalamka ugu waaweyn intooda badan Shaqo Qaran ama ciidan way soo mareen, taasoo keenaysa inuu qofku is-hagi karo.

Taliyaha Ciidanka Qaranka S/Gaas Nuux Taani ayaa sheegay in markii ay xerada soo galeen ardayda iyo maanta oo ay qalin jebinayaan kala duwan yihiin oo nidaam ay barteen nafahooda ku hagaan, waxaanu yidhi,

“Magaalo qofka way dhistaa, tababarka ciidankuna qofka wuu dhisaa oo hagaajiyaa, una nidaamiyaa wakhtiyadooda.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyey, “Waxaan u mahadcelinayaa macalimiintii wax barayey iyo Gudoomiyaha Shaqo Qaran Mr Maxamed Xuseen (Mu’adinka) oo bilowgii shaqo qaran, ilaa wakhtigan isbedelo muujiyey, taasoo tilmaamaysa horumarka qaranku maalinba maalinta ka dambaysa ku talaabsanayo.

Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa gebagebadii kula dardaarmay ardaydii Shaqo Qaran dhamaysatay inay diyaar u ahaadaan daafaca dalkooda iyo dadkooda.

Follow us On