Barlamaanka Ingiriiska oo Hargeysa u Soo diray Wefti u Kuur-gala gargaarka Caafimaad ee ay Hay’adda DFID Siiso Somaliland

Wasiirka caafimaadka oo Xafiskiisa Ku Qaabilay Weftigan Oo Ay Horkacaysay Haweenay Xubin Ka Ah Baarlamaanka UK

Hargeysa (SLpost) – Wasiirka wasaaradda horunarinta caafimaadka JSL Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf ayaa kulan la qaatay wafti ay hogaaminayso gabadh ka tirsan baarlamaanka ingiriiska oo socdaal ku timi caasimada dalka ee Hargeysa, haweenaydan oo lagu magacaabo KATE OSAMOR waxa kulanka ay wasiirka la qaadatay oo ka dhacay xafiiskiisa ku wehelinayay safiirka Somaliland ee dalka ingiriiska Amb. Ayaan Maxamuud Cashuur.

Uk barlaimantUjeedada socdaalka waftiga ayaa ahayd sidii ay u eegi lahaayeen gargaarka caafimaad ee ay hay,ada ingiriiska ah ee DFID siiso Somaliland u socdaan waxaanay booqdeen xanaanooyin Hargeisa ku yaala oo tageero siiyaan. Wefigu intii ay wasiirka kulanka kula jireen waxay ka wada hadleen sida ay u shaqeeyaan hay,adaha ay dawlada ingiriisku gacan siiso ee ka shaqeeya somaliland.

Waxaa kale oo ay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin caafimaadka hooyada iyo dhalaanka la dagaalanka gudniinka iyo qodobo kale. Wasiirka caafimaadka s.land dr xasan ismaciil yuusuf ayaa geestiisa weftigan warbixin ka siiyay arimahan waxaanu wasiirku weftiga uga waramay sida loogu baahan yahay xoojinta taageerdaa caafimaad ee ay bixiso dawlada ingiriisku.

Wasaarada caafimaadka ayaa bilihii u danbeeyay ku jirtay hawlgalo lagu laba jibaarayo adeegyada caafimaad ee ay bixiso wasaaradani,waxaana taas barbar socotay kulamo iyo shirar ay la yeelanayeen hay,adaha iyo dalalka somaliland ka caawiya dhinaca caafimaadka kuwaasoo lagu abaabulayay sidii ay u kordhin lahaayeen taageeradooda.

 

Xigasho: Wargeyska Hubaal