Barbaarinta Suubban: Qaabka Carruurta loogu tabobaro inay Iskood Isku-filnaansho u gaadhaan

Waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa warbixin ay diyaarisay Suxufiya Nasra Ciise Aw Kaahin oo aqoon-dheeraad u leh Cilmiga Bulshada iyo Arrimaha Qoyska, taas oo qayb ka ah warbixinno toddobaadle ah oo ay ka diyaariso Barbaarinta Suubban ee Ubadka oo Cilmi ku dhisan.

Nasra Aw-Ciise Kaahin oo ka mid ah Hablihii ugu horreeyey ee ku soo biiray Saxaafadda dalka isla markaana ka hawl-gala hay’adaha warbaahinta Somaliland, immikana ah Hooyo ku nool Dalka Jarmalka, waxa ay si taxane ah barnaamij uga diyaarisaa barbaarinta Suubban ee Ubadka, oo marka laga yimaaddo Dhaqankeenna suubban iyo Waajibaadka Diinta islaamka ina fartay, la jaan-qaadaya halbeegyada Aqoonta ku dhisan ee lagu jaan-gooyo horumarinta Maskaxda Ubadka iyo barbaarintooda.

Nasra Aw-Ciise waxa ay warbixinnaheeda ku soo gudbisaa Youtube Channel lagu magacaabay Barbaarsame Channel oo toddobaad kasta ay ku soo gudbiso laba warbixinnood oo ka hadlaya barbaarinta Suubban ee Ubadka oo Aqoontiisa ay baratay.

Halkan waxa aanu idiinku soo gudbinayaa Warbixin nuxurkeedu yahay Qaabka carruurta loogu barbaariyo inay Isku-filnaanshiyo gaadhi karaan ama inay noqdaan Qaar Isku-filan.