Bannaan-bax Rabshado Wata oo ka dhacay Boorama, Masuuliyiin hore iyo Tirada Dad la xidh-xidhay

Boorama (SLpost)- Boqollaal ka mid ah Dadweynaha ku dhaqan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ka dib markii Ciidanka Ammaanka Somaliland Xabsiga u taxaabeen Maayerkii hore ee magaaladaas Cabdiraxmaan Shide Bile.

boraDadka Muddaharaadka dhigay oo u badnaa Dhalinyaro iyo Haween, ayaa ka soo horjeeday Xadhigga Maayerkii hore ee magaalada Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile oo wakhti lix sannadood ka badan Maayer ka ahaa magaaladaas.

Waxay Muddaharaadayaashu xidheen jidadka magaalada qaarkood, iyagoo Ciidammada Booliska Booramana u adeegsaday kala kaxayntooda Rasaas Nool.

Dhawr iyo Toban ka tirsan Dadka Muddaharaadayey oo Dhalinyaro u badnaa, ayay Ciidammada Boolisku Xabsiga u taxaabeen oo ay ku qabqabteen Muddaharaadkaas. Sidoo kale, waxay Boolisku xidheen Saddex Weriye oo ka tirsanaa Weriyeyaasha ka hawlgala Boorama oo Muddaharaadka wax ka duubayey. Weriyeyaasha la xidh-xidhay, ayaa ka kala hawlgalayey Telefeshinnada Universal iyo Bulsho.

Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Awdal, ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u sheegay in sababta loo xidhay Maayerkii hore ee magaalada Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile tay kiis la xidhiidha arrimo iyo eedo ka dhan ah Ammaanka magaalada iyo gobolka Awdal. Hase-yeeshee, ma jiro war intaas ka faahfaahsan oo ka soo baxay Xukuumadda oo la xidhiidha xadhigga Duqii hore ee magaalada Boorama.