Bangiga Dhexe ee Somaliland oo Soo Bandhigay Hoos u dhac ku Yimi Sicir-bararka iyo Kor-u-kaca Qiimaha Lacagta Dalka

 

Hargeysa (SLpost)- Bangiga Dhexe ee Somaliland, ayaa soo bandhigay natiijada cilmi-baadhis lagu ay ku sameeyey isbar-bardhigga Kor-u-kaca Maceeshadda iyo Qiimaha Lacagta Dollar-ka oo inta badan bulshadu cabasho ka muujiso isu-dheelli-tirnaan la’aan saamayn ku yeelata nolosha shacabka.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo maanta hortagay guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada, ayaa sheegay inay Guddiga u soo bandhigeen daraasad Baanka Dhexe sameeyey Bishii August 2019-kii oo muujinaysa inay wada-socdaan maceeshada iyo qiimaha dollarka ee hoos u dhacay.

Waxa kale oo Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland uu sheegay in qiimaha shilling-ka Somaliland uu kor u kacay boqolkiiba 21%  labadii sanno ee u dambeeyey oo sarrifka qiimaha Dollar-ku aanu waxba iska beddelin muddadaas.

Sidoo kale Mr Baqdaadi ayaa tilmaamay in sicir babarka ka jira Somaliland uu hoos u dhacay, kaas oo sheegay inuu wakhti xaadirkan maraya 4.5%, Sicir Babarka ka jira Somaliland, taas oo muujinaysa in Sicir Bararka ka jira Somaliland uu aad uga hooseeyo marka loo eego dalalka Kenya, Ethiopia iyo Sudan.