Bahda Somalilandpost waxay Tacsi u dirayaan Geerida Suxufi Maxamed Cismaan Mire (Sayid) Oo Addis Ababa Ku geeriyooday

Dhammaan hawl-wadeennada iyo maamulka warbaahinta Somalilandpost waxa ay halkan ka tacsiyeynayaan Geerida ku timi Allah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Mire Cismaan (Sayid) oo maanta ku geeriyooday cusbitaal ku yaalla magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia.

Marxuum Maxamed Mire Cismaan (Sayid) oo Xilligan ahaa Guddoomiyaha Telefishanka madaxa-bannaan ee Horyaal24 Tv oo xaruntiisu Hargeysa tahay, waxa uu muddo 30 sanno ku dhow ku soo dhex jiray Saxaafadda Somaliland oo uu Kaalmo kala duwan ka soo qaatay, wuxuu ahaa halyey aan runta ka gabban.

Waxaanu Marxuumka Eebbe uga baryeynaa Naxariista Jannooyinkiisa inuu ku casuumo, dhammaan Qoyskii, Qaraabadii, ehelkii iyo Bahda Saxaafadda Somaliland ee uu ka tirsanaa Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo.

Aamiin……..Aamiin…………Aaamiin.