Badhasaabka Togdheer oo sharraxay Sababta soo cusboonaysiisay Shaqaaqada Balliga Diiriye Guuleed

Burco (SLpost)- Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, ayaa shaqaaqada ka aloosan deegaanka Balliga Diiriye Guuleed ku tilmaamay mid xalkeedu ka ballaadhan yahay maamulka gobolka Togdheer isla markaana u baahan talo qaran oo laga yeesho si loo soo afjaro muran dhuleed u dhexeeya laba beelood oo walaalo oo deegaankaas kuwada dhaqan.

Deegaanka Balliga Diiriye Guuleed oo ku yaala duleedka Woqooyi Bari ee degmada Burco oo ay isku haystaan labada beelood oo hore shaqaaqo u dhexmartay, waxa maalintii Salaasasa ee todobaadkan ka soo cusboonaaday shaqaaqo sababtay dhaawacyo labada dhinac soo kala gaadhay.

Badhasaabka Togdheer oo iftiimiyey Sababta Cusboonaysiisay Shaqaaqada Balliga Diiriye GuuleedShaqaaqada hore udhexmartay labada beelood, ayaa laga soo saaray laba go’aan oo is-burinaya, kaddib markii xubno wasiirro ah oo xalinta shaqaaqadaas loo xil-saaray soo saareen go’aan lagu dhaqan-geliyey in deegaankaas laga burburiyo Barkado iyo dhismeyaal laga yagleeyey oo sababay isku-dhaca labada beelood. Haseyeeshee waxa go’aankaas buriyey go’aan labaad oo Golaha Guurtidu ku dhex-dhexaadisay labada Beelood oo kala taageeray laba go’aan.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Burco, waxa uu tafaasiil ka bixiyey sababta ay mar kale shaqaaqadani uga soo cusboonaatay deegaankaas iyo dedaallada ay maamul ahaan ka galeen deminta shaqaaqada.

HALKAN KA DAAWO