Badhasaabka Maroodijeex oo Shacabka Somaliland ugu baaqay inay si ballaadhan uga qayb-qaataan Xuska 18-ka May

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex, ayaa shacabka Somaliland u diray farriin ku aaddan ka qayb-qaadashada xuska munaasibadda 18-ka May. Guddoomiyuhu waxa uu shacabka ugu baaqay inay si weyn uga qayb-qaataan xuska maalinta qaranimada Somaliland.

 

Guddoomiyuhu waxa uu hadalkan ka sheegay mar uu maanta u qaybinayey dirayska xuska munaasibadda 18-ka May guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka oo uu maanta kula kulmay xafiiskiisa.