Badhasaabka Maroodijeex iyo Maayarka Hargeysa oo ka hadlay Rabshado khasaare sababay oo Ciyaartii maanta ka dhashay

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex iyo Maayarka magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay rabshado ka dhashay ciyaartii maanta dhexmartay xulalka gobolka Hawd iyo Daad-madheedh.

Dad Shacab ah iyo Askar ka tirsan Ciidanka Booliska, ayaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen rabshadaha ka dhashay ciyaarta maanta, kaddib markii ay isku dhaceen taageerayaasha gobolka Hawd iyo Ciidamada Ammaanka ee ku sugnaa garoonka kubadda cagta ee Hargeysa. Dhaawacyada ayaa la geeyey Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha iyo Maayarka oo warbaahinta la hadlay fiidnimadii caawa, waxa ay caafimaad-qab u rajeeyeen dadka dhaawacyadu ka soo gaadheen rabshadaha maanta ka dhacay Hargeysa Stadium.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadallada labada Masuul

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net