Badhasaabka Gobolka Sanaag oo Difaacay Xukunno lagu Riday Dhalinyaro rabashado lagu eedeeyey oo Xisbiyada Mucaaradku keli-talisnimo ku tilmaameen

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa ka hadlay dhalinyaro dhowaan lagu xidh-xidhay degmada Gar-adag, kuwaas oo maxkamadda wareegta ee gobolkaas ku ridday xukun dhowr iyo toban sanno ah, ka dib markii sida lagu eedeeyey ay weerareen saldhig boolis oo ku yaala magaaladaas.

Badhasaabka Gobolka Sanaag oo Difaacay Xukunno lagu Riday Dhalinyaro rabashado lagu eedeeyey oo Xisbiyada Mucaaradku keli-talisnimo ku tilmaameenBadhasaabka gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan oo ay weheliyaan Garsooreyaal ka socda Maxkamadda gobolkaas, ayaa dhowaan socdaal ku gaadhay magaalada Gar-adag, waxaana halkaas maxkamadda wareegta ee gobolka lagu saaray dhalinyaro lagu eedeyey inay weerareen Saldhig boolis isla markaana dhaawacyo u geysteen Askartii ka hawl-galaysay.

Haseyeeshee, Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay in dhalinyaradaas oo sida ay sheegeen hore uga tirsanaa xisbiga Kulmiye la xidh-xidhay wakhti ay ku gudajireen munaasibad ay ugu diga-roganayeen Xisbiga Waddani, waxaanay maamulka gobolka ku eedeeyeen in tallaabadaasi ay ahayd caga-juglayn iyo cuna-qabatayn lagu sameeyeen xoriyaddooda iyo taageerada ay u muujiyeen Xisbiga Waddani.

Badhasaabka Sanaag oo maanta war-fidiyeennada ugu warramay magaalada Hargeysa, waxa uu ka warramay Xaaladda gobolka, halka ay marayso dhismaha Waddamada Ceerigaabo, isaga oo dhinaca kale iska difaacay eedaymaha loogu jeediyey xukunka lagu riday dhalinyaradaas.

HALKAN KA DAAWO