Badhasaabka Awdal Ramaax Oo Uga Digay Xafiisyada Dawlada Inay Sharciyeeyaan Dhulka Magaalooyinka ka Baxsan

 

Boorama(SLpost)-Badhasaabka gobalka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) Ayaa uga digay masuuliyiinta dawlada inay dhulka dastuurku uu dawlada siiyay ay uga garnaqaan shacabiga isku qabsaday.

waxa uu badhasaabku sheegay in guud ahaan dhulka dawladu leedahay oo aanay oqbalayn in la bixiyo iyo in  laga garnaqotoona, isaga oo dhaliilo culculus u soo jeediyay dadka dhulkaas haysta “Waxaan halkan ugu dirayaa baaq masuuliyiinta ka tirsan dawlada ee dadka muransiinaysa, dastuurkeena waxa ku qoray alle ka sokow inay dhulka dawladu leedahay, waad arkaysaa buurtaas ayay dad ku leeyihiin siirogeeda iyo soo rogeeda ayaanu kala leenahay, Ninka ka garnaqaaya ee maxkamad fadhiya ama wasaarad beereed ah ama dawlad hoosba waxa uu ku xadgudbayaa sharcigii dalka, masuuliyiinta ayaan uga digayaa in aanay ka garnaqin wax aan meelna ku salaysnayan.”

“dadka ku dagaalamaaya dhulkaas aanay lahayn waxa ka daran masuuliyiinta awood aanay lahayn isticmaalaya ee dadka u sharciyaynaaya dhulkaas aanu dastuurkuba siinin, waxaan leeyahay halaga waantoobo, ma aqblayno anaga oo aan cidna ku xadgudbayn oo aanan u baahnayan dhul aamu iibsano, anigu Saaxi ayaan ka imi oo dhul jiidan maayo laakiin wadooyinka waanu banaynaynaa.”