Baashe Maxamed Faarax Oo Ka Hadlay Sababta Uu Ka Bilaabmay Dagaalka Uu Cirro La Galay

Hargyesa(SLpost)-Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ayaa ka hadlay sababta ay isku gacan saareen gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

 

Baashe Maxamed Faarax oo ka hadlaayay sababta uu ka dhashay dagaalku waxa uu yidhi “Anigu gudoomiye ma ihi ee shirgudoonkaan ka mid ahay wax kale kumaan odhane waxaan ku idhi, waxaan idhi mooshin ayaa ay xildhibaanadu keeneen ee akhri waa uu akhriyay, waxa uu sheegay inay ansax tahay, in cod la galiyo ayay ahayd oo cida codku raacana la ogalaado, intaas weeye inta aanu isku haynay.”

2(7)

Guddomiye Cirro iyo kuxigeenkiisa koowaad Baashe Maxamed Faarax ayaa isku faro saaray fadhigii maanta ee golaha wakiilada, kadib mooshinkii kiraynta haamaha shidaalka oo xukuumaddu ay golaha dhex keentay.

Hargeysa Somaliland

Somalilandpost