Baarlamaanka Masar Oo Xilkii Ka Qaaday Mudane La Kulmay Safiirka Yuhuuda

Qaahira(SLpost)-Baarlamaanka dalka Masar ayaa Arbacadii xubinimadii Baarlamaanka ka caydhiyay xildhibaan ka tirsanaa golahooda oo lagu magacaabo Tawfiiq Cukaasha, ka dib markii uu la kulmay safiirka Masar u fadhiya Yuhuuda.

Towfiiq Cukaasha oo ahaa Siyaasi iyo Weriye Telefishin ayaa laga saaray Barlamaanka dalka Masar, iyadoo ay inta badan Mudanayaasha u codeeyeen arrintaasi. Baarlamaanka Masar ayaa aqlabiyad ugu codeeyay in xildhibaankaas laga saaro Baarlamaanka.

Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii uu Towfiiq Cukaash kulan qado sharaf ah gurigiisa ugu sameeyey Danjiraha Yuhuudda u jooga Masar, Haym Koreen, waxaanu Mr. Cukaasha warbaahinta Masar u sheegay inuu safiirka Yuhuuda kala hadlay arrimo dhawr ah.

Mid ka mid ah Mudanayaasha Barlamaanka Masar ayaa la sheegay inuu kab ku tuuray Xildhibaanka xilka laga qaaday, inta uu socday Kulanka Barlamaanka, isagoo muujinaya cadhada uu u qaaday Mr. Cukaash.

Dhinaca kale, Danjiraha Yuhuudda, ayaa tilmaamay inuu Kulanka qadada uu Fiikirkeeda lahaa Towfiiq Cukasha, kana wada haadleen Xiisadda Falastiin iyo Yuhuudda iyo arrimo kale.

Â