Baarlamaanka Ethiopia Oo La Horgeeyey Sharciyadda Heshiiska Is-faham ee Somaliland

Addis Ababa (SLpost)- Wasiirka Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Federaalka Ethiopia, Alemu Sime, ayaa maanta Golaha Baarlamaaka ee dalkaas u faahfaahiyey muhiimadda uu dalkooda u leeyahay heshiiska is-faham ee horaantii Sannadkan dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Gaadiid waxa uu Golaha Wakiillada ee Ethiopia u sheegay in heshiiska isfaham ee dhexmaray Somaliland uu wax weyn ka beddeli doono Xidhiidhka ganacsi ee Ethiopia la leedahay Caalamka.

Dr Alemu Sime oo Golaha horgeeyey mashruuc Sharci oo Xukuumadda Ra’iisal-wasaare Abiy ku meel-marinayso Sharciyadda Heshiiska, waxa uu xusay in heshiiskani bog cusub u furi doono iskaashiga Ethiopia la leedahay waddamada Geeska Afrika.

“Sida aynu la wada-soconno, Dalkeenu wuxuu heshiis is-faham la saxeexday Somaliland. Tani waxay ka dhabaynaysaa rabitaanka Ethiopia ku raadinaysay marin-badeed, inay sii kordhiso helitaanka marinno badeed oo kale,” Sidaas ayuu yidhi Alemu Sime.

Waxa kale oo uu yidhi, “Tani waxay sababi doontaa in isbeddel ku yimaaddo heerka alaabaha aynu la soo degno ama dhoofino iyo isbeddel ku yimaadda iskaashiga Gobolka Geeska Afrika.”