Baarlamaanka Ethiopia oo ku baaqay in Xidhiidhka loo Jaro Maamulka gobolka Tigray ee dalkaas

 

Addis Ababa (SLpost)- Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa meel mariyay qaraar soo jeedinaya in Dowladda Federaalka xidhiidhka u jarto hoggaamiyeyaasha gacanta ku haya gobolka Tigray ee Woqooyiga dalkaas, kaddib khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay dib u dhaca ku yimi doorashooyinka.

Go’aankan ayaanu micnihiisu ahayn in xidhiidhka ka dhaxeeya xukuumadda Addis Ababa iyo gobolka Tigray uu gebi ahaanba meesha ka baxay, balse dowladda Dhexe ayaa la sii shaqeyn doonta maamullada hoose ee gobolka sida maayarrada iyo xildhibaannada deegaanka oo la siinayo kaabka miisaaniyadda ee adeegyada aasaasiga ah ee gobolku u baahan yahay.

Advertisement

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii qaraar ka soo baxay Aqalka Sare ee dalkaas uu ku laalay doorashooyin-goboleedkii uu qabsaday gobolka Tigray 9-kii bishii September oo lagu tilmaamay inay ahayd mid sharci darro ah.

Xisbiga TPLF ee ka taliya gobolka Tigray ayaa muddo-xileedka loo dheereeyay xukuumadda Ra`iisal Wasaare Abiy Axmed oo ku ekeyd 5-tii bishan October ku tilmaamay mid aan dastuurka waafaqsaneyn, iyagoo intaas ku daray in gobolku aanu ka amar qaadan doonin dowladda Federaalka.

Xisbiga TPLF ayaa u yeedhay xubnaha kaga jira dowladda. Afhayeenka Aqalka Sare ee dalkaas ayaa ku hanjabay in ciidamo ka socda federaalka loo diri doono gobolka.

Doorashada Itoobiya ayaa loo muddeeyey inay qabsoonto bisha September ee sanadka soo socda.

 

Somalilandpost.net

Follow us On