Baarlaannada Somaliland iyo UK Oo Isku Horfadhiistay Kulan Arrimo Xasaasiya Lagaga Hadlay iyo Qodobbo Laysla Qaatay

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye-ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiillada, ahna ku-simaha Guddoomiyaha Golahaas, Md Siciid Mire Faarax (Giirre) oo ay weheliyaan dhowr mudane, ayaa maanta qaabilay wefti ka socda dalka Ingiriiska oo ay hoggaaminayaan xubno ka tirsan baarlamaanka Dalka UK.

Xildhibaannada Baarlamaanka UK oo u ololeeya Qadiyadda Somaliland, waxa socdaalkooda ku wehelinaya suxufiyiin ka hawl-gala warbaahinta dalka Ingiriiska iyo khubaro ka tirsan Ururka College Green Group oo ka shaqeeya u ololaha doorashooyinka iyo Qadiyadaha dowladaha.

Kulanka oo ku qabsoomay Xarunta Golaha Wakiillada, waxa ay labada dhinac isweydaarsaadeen aragtiyo, talooyin iyo guudmar lagu iftiimiyey xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska iyo doorka dowladdoodu ka qaadan karto taageerada qadiyadda madax-bannaanida Somaliland, gaar ahaan xaaladaha ged-geddoonka siyaasadaha dunida iyo Gobolka, sooyaalka dimuqraadiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo sii-horumarinta dedaallada aqoonsi-raadinta Somaliland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed lagu faahfaahiyey arrimaha lagaga hadlay kulanka.

Qoraalka ka soo baxay Golaha Wakiillada, waxa lagu yidhi, “Guddoomiye Giirre wuxuu u dul-maray wafdiga hannaanka iyo geeddi-socodka Jamhuuriyadda Somaliland u soo martay hanashada dawladnimeeda iyo doorashooyinkii siddeeda ahaa ee ah hal-qof iyo hal-cod ee ka soo bilaabmay 2001 iyo aftidii Dastuurka Qaranka ilaa kuwii natiijadooda ay xilalalka si nabdoon kula kala wareegeen saddex madaxweyne, laba Gole-wakiillo – oo uu ka mid yahay kan hadda fadhiya oo xilka loo dhaariyey Ogost 2021, iyo saddex golayaal deegaan oo dalka oo iidil ah.Waxa Guddoomiye Giirre ku nuuxnuuxsaday sida Jamhuuriyadda Somaliland ugu fara-adaygtay taabbagelinta maamul-wanaaggeeda iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee ay ku dhaqanto,”

“Waxa Guddoomiyuhu taabtay doorka Golaha Wakiillada Somaliland, oo ah ah aqalka hoose ee labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland, uu ku leeyahay sharcidejinta, korjoogtaynta iyo metelaadda bulsha, iyo sida muddadii uu xilka hayey u ansxixiyey xeerar halbowle ah oo uu ugu dambeeyey kaabistii iyo wax-ka-beddelkii Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, oo saxal tiray suurta-galnimada qabsoomidda doorashooynika isku sidkan ee Madaxweynaha iyo ururrada siyaasadda ee loo ballamay sannadkan dabayaaqadiisa,” sidaa ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Xildhibaan Tim Loughton iyo Xildhibaan Alexander Stafford oo Baarlamaanka UK ugu jira Xisbiga talada dalkaas haya ee Conservative-ka, ayaa sida war-saxaafadeedka lagu sheegay si mug leh uga mahad-celiyey qaabilaadda iyo soo-dhaweynta lagu qaabilay, waxaanay iska daba-mareen sida ay ugu heelan yihiin isbarbar-taagista dimuqraadiyadda iyo dawladwanaagga Jamhuriyadda Somaliland.

Waxa xildhibannadu tilmaameen ahmiyadda jiritaanka iyo joogtaynta nabadda iyo ganacsiga mandaqaddani u leedahay dunida iyo sida ay muhiimka u tahay in dhidibbada loo adkeeyo saaxibtinimada iyo danwadaagga ka dhexeeya Somaliland iyo saaxiibbadeeda Caalamka.

“Mudanayaashu waxay tilmaameen sida loogu baahan yahay in laga wada-shaqayeeyo sidii looga hortagi lahaa turun-turrooyinka ka hor iman kara dib-u-hanashada madaxbannaanida Somaliland oo la sii dardargelinayo xod-xodashada caalamka iyo ka-raaridiisa ahmiyadda biyo-kama-dhibcaanka ah ee dawladnimada qaran si walba u madax bannaan oo Somaliland noqoto.

Waxay labada dhinac isla qaateen in la abuuro gole-wadaag ah oo xidhiidhiya saaxiibbada Somaliland ee UK iyo mudanayaasha Baarlamaanka Somaliland si loo sii xoojiyo doorka muuqda ee mudanayaasha labada dhinac ku yeelan karaan sii xoojinta saaxiibtinimada iyo dahaha labada waddan.” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka.

Dhinaca Golaha Wakiillada waxa kulanka uga qayb-galay Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Jaamac, Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha iyo Maaliyadda, Xildhibaan Abu Bakar Siciid Cali, Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiyada Maaliyadda iyo Dhaqaalaha iyo Xildhibaan Ibraahim Cali Jaamac, Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax, Xildhibaan Mubaarag Muuse Ismaaciil iyo Xildhibaan Maxamed Cismaaan Liimo oo ka tirsan Guddida Arrimaha Dibedda, Maalgelinta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah iyo ugu dambeyntii La-Taliyaha Shirguddoonka ee Arrimaha Horumarinta iyo Xidhiidhada Caalamiga ah Prof Xasan Maxamed Jaamac (Xasan-Xiis).

Dhinaca weftiga Ingiriiska, waxa kulanka uga qayb-galay Mudane Tim Loughton iyo Mudane Alexander Stafford oo ka tirsan aqalka hoose ee baarlamaanka UK, Jason MacKenzie iyo Hanad Darwiish oo ka socdey Ururka College Green Group iyo labada suxufi ee Graham Stewart iyo Georgia Gilholy oo socday labada Jariiradood ee The Critic iyo The Spectator oo ka soo baxa dalka UK.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net