Baanka Dhexe Oo Suuqyada Sarrifka Ka Saaraya Lacagaha Danabaysan ee Shilinka Somaliland iyo Saamaynta Ka Dhalatay

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Baanka Dhexe ee Somaliland, ayaa war-saxaafadeed uu gelinkii dambe ee maanta soo saaray ku sheegay inay bilaabeen tallaabooyin ay ku xakamaynayaan sicir-bararka isku beddelka lacagaha oo muddooyinkii u dambeeyey faraha ka baxay.

Baanka Dhexe waxa uu sheegay inay Sabtida maanta bilaabeen sidii ay suuqyada sarrifka uga saari lahaayeen Lacagaha Dheeraadka ah ee Shilinka Somaliland, waxaanu Baanku sheegay inuu tallaabadan u marayo iyagoo lacagaha Kaashka ah ee ku jira accounnada Zaad iyo E-dahab ee Sarrifleyaasha ugu beddelaya Lacag Dollar ah.

Nidaamkan oo loo yaqaanno Ka-soo-nuugis, ayaa loo isticmaala in lacagaha Kaashka ah Dollar lagu beddesho ama lagaga sarrifto Telefoonada Sarrifleyaasha ah.

Advertisement

War-saxaafadeed kooban oo Baanka Dhexe soo saaray, ayaa u qornaa sidan:-

“Baanka Dhexe ee JSL waxa uu maanta oo taariikhdu tahay 04.11.2023 bilaabay hawl gal balaadhan oo ujeedadiisu tahay sidii suuqyadda sarrifka looga soo saari lahaa lacagaha shillin-ka Somaliland ee dheeraadka ku ah si la isugu dheelitiro xaddiga lacagaha Somaliland shiilling-ka iyo lacagta Dollarka Maraykanka ee wareegaya suuqyadda Somaliland loona xasiliyo qiimaha heerka sicirka sarrifka.

Baanku Waxa uu ka soo nuugayaa lacagaha danabaysan ee shillinka JSL ee ku jira Mobiladda, waxa kale oo suuqa saaka ka soo ururiyay lacagaha shillinka ah ee ay Sarriflayaashu hayaan.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

War-saxaafadeedka Baanka Dhexe soo saaray, waxa lagu soo lifaaqay Sawirro laga qaaday Lacago Kaash ah oo Baanka Dhexe ka soo nuugay Sarrifleyaasha oo uu dollar ugu beddelay.

Ganacsada ka shaqaysatada Isku-beddelka Lacagaha ayaa markii ay ka war-heleen tallaabadan Baanka Dhexe qaaday, waxa ay account-nadooda ka saareen lacagihi Kaashka ahaa ee ku jiray maadaama aanay isku ahayn xaddiga Sarrifka lacagta ee Baanka Dhexe jaan-gooyey iyo Qiimaha sarrifku ka taagan yahay Suuqa.

Sarrifleyaasha ayaa qaarkood lacagaha Kaashka ah ee telefoonadooda ku jira si ku meel-gaadh ah uga saaray iyagoo Lacagaha u kala dirsaday shaqsiyaad ay ku kalsoon yihiin si ay hadhow ugu soo celiyaan.

Advertisement