Baanka Dhexe ee Somaliland oo Baafinaya Xaqlayaasha Lacago tobanaan sanno Qasnadda ku jiray

Advertisement

 

Hargeysa (SLpost)- Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta daah-furay barnaamij xisaab-celin ah oo lacago khasnadda Baanka muddo 10 sanno ku dhow ku jiray loogu celinayo Dadkii iska lahaa oo sida la sheegay ku ilaabay ama inay lacagi u taallo aan ka war-qabin.

Munaasibad lagu daah-furay Barnaamijka lacagaha lagu yaboohinayo oo maanta ku qabsoontay Xarunta Bangiga dhexe isla markaana uu goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Baanka Cali Ibraahim Baqdaadi, waxa madasha lacago lagu guddoonsiiyey shaqsiyaad ay ku jiraan wasiirro iyo masuuliyiin hore, ganacsato iyo siyaasiyiin.

Advertisement

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net 

Advertisement