Baanka Dhexe ee Somaliland Oo Ka Shiray Wax-qabadyada u Hirgalay Lixdii Bilood ee u Dambeeyey

Kulanka Baanka Dhexe ku Qiimeynayo Waxqabadka Qorshe Sannadeedkiisa

Hargeysa (SLpost)- Baanka dhexe ee Somaliland, ayaa Maanta Magaalada Hargeysa ka furay Shir lagu darsayo Waxyaabihii Baanka u qabsoomay lixdii bilood ee sanadkan ugu horreeyay, taas oo qayb ka ah qiimeynta Wax-qabadyada qorshe-sannadeedkan.

Shirkan lagu qiimeynayo wax-qabadyada u Hirgalay Baanka Dhexe iyo Caqabada wali jira, waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha Baanka Dhexe Eng. Cali, Guddoomiye Ku-xigeenka Cabdiraxmaan Maxamed, Agaasimaha Guud Maxamed Qaasim iyo Agaasime-waaxeedyada Baanka dhexe.

Ugu horrayn, waxa halkaa ka hadlay Agaasimaha waaxda Qorshaynta ee Baanka dhexe Xamse Xuseen Muuse iyo Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka iyo Warbaahinta Mukhtaar Cumar Cali, waxayna faahfaahin ka bixiyeen ujeeddada Shirka.

Agaasimaha waaxda Qorshaynta ee Baanka dhexe Xamse Xuseen Muuse
Agaasimaha waaxda Qorshaynta ee Baanka dhexe Xamse Xuseen Muuse

“Waxaynu samaysannay qorshe sannadeed aynu ku doonayno inaynu ku horumarinno Baanka Dhexe guud ahaanna qaybaha maaliyadeed ee aynu xukunno. Markaa waxaynu dib u eegis ku samayn doonaa Lixdaan bilood wixii inoo qabsoomay,” sidaa waxa yidhi Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Baanka Dhexe Mr Xamse Xuseen Muuse.

Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka iyo Warbaahinta Mukhtaar Cumar Cali
Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka iyo Warbaahinta Mukhtaar Cumar Cali

“Nuxurka kulankeenu waxa weeyaan inaynu dib isu eegno halka aynu taaganahay qorshihii aynu lahayn  sannadkan 2023-ka oo waax walba aynu dib u eegi doono waxa u suurta-galay, heerka ay taagan yihiin iyo waxa u dhiman,” sidaasna waxa yidhi Agaasimaha Waaxda Xidhiidha Dadweynaha iyo Warbaahinta Mr Mukhtaar Cumar Cali.

Agaasimaha Guud ee Baanka dhexe Maxamed Qaasim Dalmar oo kulanka ka hadlay, ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in la yeesho qorshe lagu shaqeeyo.

Agaasimaha Guud ee Baanka dhexe Maxamed Qaasim Dalmar
Agaasimaha Guud ee Baanka dhexe Maxamed Qaasim Dalmar

“In Qorshe la yeeshaa waa waxa ugu muhiimsan, dadku qorshe la’aan ma socon karaan, waayo waa waxa ugu horreeya ee Horumar lagu gaadhi karo,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe oo muhiimadda laga leeyahay kulanka ku tilmaamay qiimeynta horumarka wax-qabad ee shaqada Baanka Dhexe u hayo Qaranka.

Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed oo shirka ka hadlay, ayaa tilmaamay in Arrimaha ugu muhiimsani yihiin daraasaynta Caqabada jira ama ka hor-yimi dhamaystirka Qorsheyaasha wax-qabad ee Baanka Dhexe u dejisan.

Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed
Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed

“Maaddaama oo aynu joogno badhtamihii sannadka, waxaynu eegaynaa waxa inoo qabsoomay iyo waxaan inoo qabsoomin muddadaa,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe.

Kulanka Baanka Dhexe ku Qiimeynayo Waxqabadka Qorshe Sannadeedkiisa

Gebo-gabadii, waxa shirka hadal dhinacyo kala duwan xambaarsan ka jeediyey Guddoomiyaha Baanka Dhexe Dr Cali Cabdillaahi Daahir oo ku dheeraaday muhiimadda Qorsheyaasha Wax-qabad u leeyihiin Hawlaha Baanka Dhexe iyo guud ahaan hay’ad kasta oo masuuliyad qaran u xil-saaran.

Guddoomiyaha Baanka Dhexe Dr Cali Cabdillaahi Daahir
Guddoomiyaha Baanka Dhexe Dr Cali Cabdillaahi Daahir

“Kulankeenu wuxuu daaran yahay qorshihii aynu dhiganay ee ahaa inaynu Lixdii biloodba mar dib u eegis ku samayno inaynu gaadhnay ama dib uga dhacnay yoolkeenii,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Baanka Dhexe, waxaanu intaas ku daray, “Lixdaa bilood ee aynu soo soconay, haddaynu Caqabado la kulanay, waa inaynu ka faa’idaysano, si aynaan mar kale ula kulmin,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Baanka Dhexe Dr Cali Cabdilaahi Daahir.

Kulanka Baanka Dhexe ku Qiimeynayo Waxqabadka Qorshe Sannadeedkiisa
Kulanka Baanka Dhexe ku Qiimeynayo Waxqabadka Qorshe Sannadeedkiisa

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net