Baanka Dhexe ee Somaliland Oo Hawl-wadeennada ku Tabobaray Aqoonta Maamulka Deymaha iyo Teknoolajiyadda Casriga ah

Hargeysa (SLpost)- Maamulka Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa maanta tabobar u soo xidhay qaar ka mid ah hawl-wadeennada Bangiga Dhexe oo qaatay aqoon-kororsi la xidhiidha Maamulka Deymaha iyo Teknoolajiyadda Casriga ah.

Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe iyo saraakiil ka tirsan Baanka Dhexe ayaa ka qayb-galay munaasibad shahaadooyin lagu gudoonsiiyey hawl-wadeennada dhammeystay aqoonta la xidhiidha maamuka Deymaha iyo Teknoolajiyadda Casriga ah.

Tabobarka oo ay bixiyeen khubaro ka tirsan Baanka Dhexe, waxa ugu horeyn ka hadlay Maamulaha qaybta Baanka Dhexe, Madaxa Shaqaalaha Baanka Dhexe iyo masuuliyiin uu ka mid yahay Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland.

Faahfaahinta Warkan kaga Bogo Muuqaalk Hoose

https://youtu.be/UCz6HvBHqSE