Baanka Dhexe ee Somaliland Oo Gaadhi Aan Hore Loo Isticmaalin Ku Wareejiyey Ciidanka Dab-damiska

Advertisement

Hargeysa (SLpost) – Baanka Dhexe ee Somaliland, ayaa Maanta Gaadhi Dab-damis ah ku wareejiyey Ciidammada Dab-damiska Qaranka Somaliland.

Gaadhigan Dab-damiska ah, ayaa waxa Guddoomiyaha Baanka ka Guddoomay Madaxweyne ku-xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) isla-markaana ku wareejiyey Taliyaha Ciidammada Dab-damiska Axmed-sawaaxili.

Munaasibaadda Gaadhigan lagu wareejiyey waxa ugu horrayn ka hadlay Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Eng. Cali, waxaanu yidhi “Waxaanu Maanta ku wareejinaynaa Ciidanka Dab-damiska gaadhigaa Dab-damiska ah oo uu u Maal-geliyey Baanka dhexe, waxaana ku wareejinaya Madaxweyne ku-xigeenka..”

Advertisement

Guddoomiyaha Baanku waxa kale oo uu sheegay in Somaliland cashar ka baratay Dabkii ka kacay suuqa Waaheen, sidaa darteedna ay hadda ka dib ku dedaalayso kaabayaasha lagaga hor-tago khasaaraha uu dabku sababo “Waynu ogayn oo waakii suuqii Waaheen gubtay bishii afraad ee sannadkii hore, Inkasta oo dabku dalkeena ka kaco, haddana dabkii ugu weynaa wuxuu ahaa kii Suuqa Waaheen, kaana wax badan baynu ka baranay, markaa iyada oo uu Baanka dhexe ka mid yahay Laamaha Dawladda, waxaanu is nidhi halkee baad ka geli kartaan, markaa waxa ugu baahi badnaa waa gaadiid Dab-damis, markaa waxaanu is nidhi wax hal-bowle ah oo waari doona oo dalka meel walba uga gurmada inaanu u fidino, kaasina wuxuu noqday Gaadhigan..”

Taliyaha Ciidammada Dab-damiska Somaliland Axmed Sawaaxili oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sharraxaad ka bixiey gaadhiga lagu wareejiyey “Waxaanu ku faraxsanahay inaanu ka soo qayb-galno gaadhi cusub oo la nagu wareejinayo, kaasi oo cusub, moodeelkiisuna 2022. Gaadhigani wuxuu qaadaa 80 Foosto oo Biyo ah, Bamkiisu halkii daqiiqo wuxuu ku siinayaa 1000 Giraam, Bamkiisa sare, daqiiqaddii wuxuu ku siinayaa 400 Giraam, waa Baabuur cusub, waxaanu ina haynayaa 15 sano iyo in ka badan..”

Ugu dambayn, waxa halkaa ka hadlay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu yidhi “Waxaanu u Mahad-naqaynaa Guddoomiyaha Baanka dhexe iyo Hawl-wadeenadiisa oo gartay inay Hay’adda Dab-damiska Qaranka ku caawiyaan gaadhigan oo lagaga hor-tagayo Masiibada dabka oo mar walba taagan..”

Gaadhiga lagu wareejiyey Ciidanka Dab-damiska, ayuu Baanka dhexe ee JSL uu toos uga dalbaday Shirkaddii soo samaysay, isagoo ka war hayey samayntiisa iyo noocyada qalabka loo isticmaalay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement