Baanka Dhexe ee Somaliland oo dalka Ka Mabnuucay Barnaamijka Forex oo Budhcadnimo lagu tilmaamay

 

Hargeysa (SLpost)- Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gebi ahaanba dalka ka mamnuucay xisaabaadka Adeegga Isku-sarrifka lacagaha casriga ah ee FOREX, kaas oo uu Baanku ku tilmaamay barnaamij bulshada lagu dhacayo oo la mid ah mashruucii la magac-baxay Jiif-oo-Jaq oo Dadweyne badan lacago lagaga dhacay.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac, ayaa lagu sheegay in baadhis iyo daraasado ay khubarada baanka Dhexe ku sameeyeen barnaamijkan ku ogaadeen inuu gebi ahaanba ka soo horjeedo dastuurka Somaliland, sidaa awgeedna wixii maanta laga bilaabo ka-ganacsigiisa laga joojiyey gudaha Dalka.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Baanka Dhexe oo Ciwaan looga dhigay Barnaamijka Forex oo Ia nooc kii ‘Jiif-oo-Jaq’, ayaa u qornaa sidan:- “Waxa muddooyinkii u damheeyay ka socday gudaha Jamhuurlyadda Somaliland barnaamij loo yaqaan Forex oo bulshada lagaga urursanaayo lacag loona ballan-qaadaayo in ay heli doonaan macaash dhan 100% ama ka badan. tusaale ahaan, haddii qolku ku darsado barnaamijka FOREX lacag dhan USD 5,000 waxa uu muddo yar ka bacdi heli doonaa macaash dhan USD 5,000 iyo gun-dhiggisii oo Ioo kaydin doono,

Haddaba, Baanka Dhcxe cc JSL waxa uu in muddo ah dusha kala socday barnaamijka Forex. waxa uu sameeyay baadhis Iyo daraasad qoto-dhcer, waxaana u caddaatay In uu barnaamijka Forex Ia nooc yahay barnaamijkii la odhan jiray “Jiif oo Jaq islarnarkaana aanay Irin suuqyo iyo shirkado sharci ah oo Ia maal-gashanaayo.

Sidaa awgeed, Baanka Dhexe ee JSL waxa uu ku wargelinayaa bulsho-waynta Somaliland, hay’adaha kala duwan ee Xukuumadda iyo ciddii kale ee ay khusaysaba In uu barnaamijka Forex mamnuuc ka yahay Jamhuurlyadda Somaliland sida ku qeexan Qodobka 97aad Faqraddiisa 1aad Xeer. Lr: 54/2012, oo U dhigan sida soo socota:

‘Reebbanaanta. Oaybsashada Mashaariicda aan Macaashkooda Ia helin (Pyramid Schemcs) Qofna waa In aanu si toos ah ama si dadban u Bilaabin, Rixin, Xayaysiin. Fulin,, Maalgelin, Maareyn, Korjoogin ama Agaasimin mashruuc macaash aan la helin ao loo qaybiyo ka qayb-qaatayaasha mashruuc ay Inta badan ku xldhan tahay korodhka xubnaha cusub’.

Annaga oo ku kalsoon In Bulsho’weynta, Hay’adaha Dawladda Iyo ciddii kale ee ay khusaysaba fulin doonaan Qodobka kor ku xusan, naga guddooma salaan diirran. “ Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay baanka Dhexe ee Somaliland.

Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net