Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Bangiyada Gaarka Loo Leeyahay Oo Qodobbo Muhiim Ah Ku Heshiiyey

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Bangiyada Ganacsi ee Gaarka loo leeyahay, ayaa ku heshiiyey dhammeystirka Shuruuc muhiim u ah horumarinta kaabayaasha Maaliyadeed ee Dalka.

Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiinta u sarreysa Baanka Dhexe iyo Saraakiil ka socotay Bangiyada Gaarka Loo leeyahay Dalka ka jira, waxa kale oo layskula qaatay Horumarinta Qorsheyaal Baanka Dhexe iyo Bangiyada Gaarka loo leeyahay ku horumarinayaan Suuqyada Maaliyadeed ee Dalka iyo Qodobbo Kale.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee Baanka Dhexe, waxa kulanka labada geesoodka ah lagu gorfeeyey Qodobbo ay ka mid yihiin Xaaladda Guud iyo Caqabadaha Haysta Bangiyada, Daah-furnaanka Dhaq-dhaqaaqyada Maaliyadeed ee Bangiyada Gaarka loo leeyahay iyo qaabka loo mari karo hirgelinta Xafiiska Nidaamka Maaliyadeed ee Islaamiga ah.

Advertisement

War-saxaafadeedka ka soo baxay Baanka Dhexe ee Somaliland oo lagu faahfaahiyey Qodobbada Shirka lagu gorfeeyey iyo natiijada ka soo baxday kulanka, ayaa u qornaa sidan:-

“Guddoomiyaha Baanka Somaliland, Mudane Cali Cabdilaahi Daahir oo ay weheliyaan Guddoomiye-ku-Xigeenka Baanka, Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil, Agaasimaha Guud ee Baanka, Mudane Mukhtaar Cabdi Quule, Agaasimaha Qaybta Koormeerka Hay’addaha Maaliyadeed, Madaxa Xafiiska Iswaydaarsiga agabka maaliyaddeed iyo Agaasime ku xigeenka Qaybta Dabagalka Dhaqdhaaqyada Maaliyadeed, ayaa maanta kulan la qaatay madaxda Bangiyada gaarka loo leeyahay ee Somaliland ee Dahabshil International Bank, Dara-Salaam Bank, Premier Bank, Amal Bank iyo Guddoomiyaha Ururka Baananka Somaliland.

Kulanka oo ahaa kulankii u horeeyey sanadkan ay yeeshaan Baanka Somaliland iyo Madaxda Bangiyada Gaarka loo leeyahay waxaa lagu gorfeeyey:-

  1. Xaaladda Guud ee Bangiyada
  2. Caqabadaha haysta Bangiyadda
  3. Kor u qaadista Daah-furnaanta Dhaqdhaqaaqyada Maaliyadeed iyo Dardar Galinta Dhaqan Galinta Xeer Lr. 87/2019,
  4. Hirgelinta Sharia Office iyo Ka shaqeysiinta Xafiiska Iswaydaarsiga Agabyada Maaliyadeed (Clearing House Office ).

Gebogabadii waxaa kulanka layskula qaatay:-

  1. In La dhamaystiro shuruucdii kor u qaadi lahaa kaabayaasha maaliyadeed ee dalka (Financial Infrastructure).
  2. In la diyaariyo qorshaha baananka gaarka loo leeyahay iyo baanka dhexe ay ku horumarin lahaayeen suuqyada maaliyadeed ee dalka.
  3. In la shaqo galiyo habka shaqadda iswaydaarsiga agabka maaliyeed (Clearing House) si manual ah.
  4. In La dardar galiyo wada xidhiidhka baananka gaarka loo leeyahay iyo baanka dhexe oo kulan kale la iskugu yimaado, hadii ALLE Idmo.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay Baanka Dhexe ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement