Baanka Adduunka Oo Soo Bandhigay Fadeexado Dul-hoganaya Dowladda Soomaaliya

Hargeysa (SLpost)- Baanka Adduunka ayaa shaaciyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuldarraysatay soo gudbinta warbixinnada xisaabcelinta dhaqaalaha lagu caawiyey Sannadkii 2022-kii.

Waraaq Baanka adduunku soo saaray 27-kii bishan laguna socodsiiyey madaxda Soomaaliya, waxa lagu sheegay in Soomaaliya ku fashilantay fulinta shuruucda Baanka Adduunka ee wejahan warbixinaha xisaab-celinta dhaqaalaha uu bixiyo.

Baanka Adduunku wuxuu sheegay cawaaqib-xumo ka dhalanaysa arrintan haddii muddada xisaaab-celintu dhaafto Sagaal Bilood, sida ku xusan shuruucda Baanka Adduunka, waxaana tallaabooyinkan ka mid ah hakinta lacagaha Bangigu ku caawiyo Soomaaliya, hakinta lacagaha mashaariicda haatan socda, iyo mashaariicaha ku jira qorsheyaasha wax-qabad.

Qoraalka lagu socodsiiyey madaxda Soomaaliya, waxa lagu yidhi, “Sida uu dhigayo habraaca Baanka Adduunka ee maalgelinta mashaariicaha horumarka, haddii xisaab xidhka xisaabaadka ee la baadhi waayay uu bangiga ku soo gaadhi waayo sagaal bilood gudahood laga bilaabo taariikhda loo qabtay, baanku waxa ku waajiba inuu joojiyo kordhinta muddada loo qabtay xidhitaanka xisaab-celinta deeqaha, inuu Dib u dhigo wixii wada-xaajood iyo soo socoshada wax kastaoo hawhsu ku sii soconayso, inuu hakiyo lacago horumarin ah oo laga sii siiyo lacagaha loogu deeqay iyo ugu dambayn inuu laalo bixinta deeqaha uu go’aankani sameeyey si waafaqsan siyaasadaha Bankiga”.

Baanka Adduunku waxa uu ka dalbaday madaxda Soomaaliya inay si deg-deg u soo gudbiyaan warbixinaha ku aaddan xisaab-celinta, haddii kale ay tallaabooyinkaasi saamayn ku yeelanayaan mashaariicaha socda iyo mashaariicaha horumarineed ee Soomaaliya loo qorsheeyey.