Baadhitaanno Xaqiiqo-raadin ah oo laga Bilaabay Barwaaqo University iyo Abaarso Schools

xafladda qalin-jabinta Hablaha Jaamacadda Barwaaqo iyo Madaxweyne Muuse Biixi.jpg

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa baadhis xaqiiqo-raadin ah ka bilowday Jaamacadaha Barwaaqo iyo Abaarso oo lagu eedeeyey inay ka jiraan falal lidi ku ah Diinta Islaamka.

War kooban oo maanta ka soo baxay Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland, ayaa lagu sheegay in wasaaraha Diinta iyo Waxbarashada Somaliland ay baadhitaan ka bilaabeen labada jaamacadood, waxaana bulshada loogu baaqay inay ka war-sugaan natiijada ka soo baxda.

xafladda qalin-jabinta Hablaha Jaamacadda Barwaaqo iyo Madaxweyne Muuse Biixi.jpg

“Sida aad la wada socotaan, waxaa maalmahan soo baxaya tuhunno la xidhiidha Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso , iyada oo la sheegayo in maamulaha Jaamacaddaasi ay tahay Baadariyad faafinaysa Diinta Kiristanka,” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta.

Waxa kale oo qoraalka lagu yidhi, “Haddaba, Wasaaradda Diinta iyo Awaaafta oo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, waxa ay baadhayaan oo ay gacanta ku hayaan tuhunnadaasi soo baxaya.

Sidaa daraadeed, dadweynaha waxaa laga codsanayaa in ay dhawraan natiijada baadhitaanka ee arrintani”.