“Axsaabta siyaasadda ee waddanka ka jiraa waxay ku guulaysteen in si xor ah oo…” – Wasiirka Caafimaadka DDSI

 

Hargeysa (SLpost)- Shirweynaha 4-aad ee Xisbiga talada dalka Somaliland gacanta ku haya ee Kulmiye, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana ka qayb-galay wufuud kala kala socda dalalka deriska oo ay ka mid yihiin masuuliyiin ka socday dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia oo lagu marti-qaaday.

Wasiirka Waxbarashada ee Dowlad-deegaanka Soomaalida Maxamed Cabdifataax ahna xubin sare oo ka tirsan Xisbiga Barwaaqo ee dalka Ethiopia oo hadal ka jeediyey shirweynaha Xisbiga Kulmiye, ayaa bogaadiyey nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ka hirgalay oo uu xusay inuu yahay mid ka maraq-kacaya dhismaha mustaqbal dhiirri-gelinaya dhalinyarada inay ku hamiyaan hoggaaminta dalkooda.

Wasiirku waxa uu ugu horeyn ka hadlay muhiimadda uu leeyahay xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo dowladda Ethiopia, gaar ahaan dowlad-deegaanka Soomaalida, waxaanu yidhi, “Anigoo ku hadlaya magaca xisbiga Barwaaqo ee dalka Ethiopia iyo magaca Xukuumadda deegaanka Soomaalida, farxad weyn bay noo tahay, sharaf weyn bay noo tahay inaan idinkala soo qayb-galno shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye”.

“Xidhiidhka Dowlad deegaanka iyo Somaliland waa mid aad u gudo-weyn. Mid maanta bilaabmay maaha ee waa soo jireen; xidhiidh siyaasadeed baa jira oo layska kaashanayo siyaasadda, xidhiidh amni baa jira oo wixii amniga ku saabsan layska kaashanayo, xidhiidh dhaqaale oo bulshadeenu is-dhaafsanayso nolosha guud wixii waxtar u leh oo ballaadhan baa jira, mid dhaqan, mid aqooneed baan wadaagnaa iyo dhalashoba leh.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashada DDSI.

Md Maxamed Cabdifataax waxa uu Somaliland ku ammaanay nabad-geliyada iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalkeeda ka hirgalay iyo doorka Axsaabta siyaasaddu ka qaateen, waxaanu yidhi, “Ma jirto adduunka waddan nabadgelyo-darro ka jirto oo dimuqraadiyad sameeya, mana jirto adduunka meel cabudhin ka jirto oo dimuqraadiyad ka hana-qaadi karto. Somaliland amnigii bay sugeen, meel dheer ayay gaadhsiiyeen dimuqraadiyadda inay sameeyaan. Axsaabta siyaasadda ee waddanka ka jiraa waxay ku guulaysteen in si xor ah oo dimuqraadiyadi ku jirto ay xukunka ula kala wareegaan”.

“Taasi waa mid xasilin karta in jiilashada soo socda ee reer Somaliland waddan ay ku noolaan karaan, ku hamiyi karaan inay mustaqbal hoggaamintiisa qayb ka noqdaan. Markaa hambalyo ayaan idin leeyahay”. Sidaas ayuu Wasiirku ka yidhi hadalka uu ka jeediyey shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net