Axmed Yuusuf Yaasiin oo Si Adag uga hadlay Colaadda ka soo cusboonaatay Ceel-Afweyn, Xukuumaddana baaq u diray

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay xiisad colaadeed oo ka soo cusboonaatay deegaamo ka tirsan degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag, taas oo u dhaxaysa laba beelood ood-wadaag ah, waxaanu baaq-nabadeed u jeediyey laba beelood ee colaaddu u dhaxayso.

 

Dagaal-beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa shalay mar kale ka qarxay deegaanka Ceel-Afweyn oo hore heshiisyo iyo dhex-dhexaadin loo dhex-dhigay labada beelood sababeen in dagaalkaasi joogsado, iyadoo xukuumadda iyo wax-garad iyo madax-dhaqameedka dalku si weyn uga qayb-qaateen daminta colaadaas.

 

Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu xukuuumadda Somaliland ugu baaqay inay si deg-deg ah uga hawl-gasho colaadda ka soo cusboonaatay deegaankaas isla markaana ay gacanta ku soo dhigto cidda sababta u ahayd bilowga dagaalka shalay mar kale bilaabmay.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKAN HOOSE

 

 

Madaxweynaha Somaliland, ayaa hore digreeto uu soo saaray waxa uu ku dhawaaqay xaalad deg-deg ah oo la galiyo degmooyinka ka tirsan gobolka Sanaag si loo xakamayeeo colaadda Beelaha, haseyeeshee dhaliilo iyo dhawaaqyo ay kaga biyo diideen oo arrinaas loogu jeediyey kaddib, madaxweynuhu waxa uu soo saartay digreeto uu kaga laabtay Xaaladda Deg-degga ahayd oo meesha ka saaraysay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo deegaankaas lagu arko, Ciidamada kala duwan ee dalkana u oggolaanaysa inay gacan-bir-ah ku qabtaan ammaanka cid kasta oo lagu arko dhaq-dhaaqyo ciidanna tallaabo sharci ka qaadi karaan.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net