axkamadda Sare oo tababar u furay 50 Xubnood oo ka tirsan Garsoorka Gobolada Bariga ee Somaliland.

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Garsooraha Maxkamadda Sare Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo ay wehelinayeen, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Togdheer Sh. Barkhad Isaaq Barre, Agaasimaha Maxkamadaha Guur-guura Sharmaarke Yuusuf Faarax, Madaxa Tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahim iyo Xisaabiyaha Maxkamadda Sare Caydaruus Maxamed Cabdi ayaa maanta Tababar socon doona muddo 10 cisho ah u furay 50 Xubnood oo ka tirsan Bahda Garsoorka Gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag.

Tababarkan oo hal-ku-dhigiisu yahay “Tababarka tababarayaasha Garsoorka” ayaa ujeedadiisu ahayd sare u qaadida aqoonta iyo khibrada Guddoomiyayaasha, Garsoorayaasha, Xeer-ilaaliyaasha, Qareennada iyo Kaaliyayaasha goboladaasi, si ay iyagu tababarada danbe gadh-wadeen uga noqdaan isla markaana loo helo jiil macalimiin ah oo fidiya aqoon is-waydaarsiyada dambe ee laga fulinayo goboladaasi.

Ugu horayn Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Togdheer oo ku hadlayay afka kasoo qayb galayaasha ayaa u mahadnaqay kooxda tababarka hoggaaminaysay ee ka socday Maxkamadda Sare, waxaanu ku dhiirigaliyay kasoo qayb galayaasha in ay ilaaliyaan wakhtiga tababarka oo ay ka faa’iidaystaan duruusta muddadasi la is-waydaarsanayo, maadaama uu tababarkani hal-bawle u yahay joogteynta tababarro ay iyagu hoggaaminayaan.

Advertisement

Geesta kale Garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo ku hadlayay magaca Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda JSL ayaa u mahadnaqay dhammaan xubnihii kasoo qayb galay tababarka, ee wakhtigoodii u soo huray in ay ka faa’iidaystaan tababarkan oo laf-dhabar u ah tababaradda danbe ee goboladaasi laga fulin doono, ayaa sidoo kale u mahadnaqay, Guddoomiyayaasha Maxkamaddaha oo door muuqda ka qaatay qabsoomida tababarkaasi, saraakiisha Maxkamadda Sare ka socotay iyo Hay’adda UNDP oo taageero muhiim ah ka gaysatay qabsoomida tababarka, waxaanu xusay in tababaradda la sii wadi doono, isagoo hoosta ka xariiqay ahmiyada uu leeyahay tababarkani iyo sida ay lama-huraanka u tahay in la xoojiyo tababarrada caynkan ah, ugu danbayna wuxuu tibaaxay in dhawaan laga fullin doono tababarro noocan ah Gobolada Maroodi-jeex iyo Awdal.

Tababarkan ayaa muddada uu socdo lagu gorfayn doonaa mawduucyo sal-dhig u ah arrimaha Garsoorka, waxaana la isku waydaarsan doonaa aaraa’ kala duwan oo qayb ka noqonaysa yoolka ah, helida macalimiin aqoon durugsan u leh bixinta tababarro tayo leh oo wax-ka-bedeli doona geedi socodka Bahda Garsoorka ee Goboladaasi. Tababarkan ayaa daba socdo tababaro muddooyinkii u danbeeyay si xidhiidh ah ay Maxkamadda Sare u bixinaysay kuwaasi oo kaalin mug leh kaga jira kobcinta aqoonta iyo waayo-aragnimada bahda Garsoorka dalka.

Advertisement