AWR-BOOGAYS: Xukuumadda Somaliland oo Gogol-nabadeed u furtay laba Beelood oo Shaqaaqo dhex-martay

AWR-BOOGAYS: Xukuumadda Somaliland oo Gogol-nabadeed u furtay laba Beelood oo Shaqaaqo dhex-martay

Awr-boogays (SLpost)- Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta Deegaanka Awr-boogays ka si rasmiya ugu furay shir nabadeed iyo gogol uu Madaxweynaha Somaliland u fidiyey beelaha Maxamud Bari Hiniinle iyo C/raxmaan Harti.

Shirkaasi oo u dhaxeeya Xukuumadda Somaliland iyo beelahaas ayaa maanta ka furmay deegaanka Awr-boogays ee gobolka Sanaag, waxa ka qayb galay Boqolaal ergooyjin ka kala socday beelahaasi, halka dhinaca dawladda Somaliland na ay uga qayb galeen, Wasiiro Xukuumadda ka tirsan iyo xidhibaano ka tirsan golayaasha baarlamaanka Somaliland,

????????????????????????????????????

Shirka oo ahaa mid si weyn loo agaasimay ayaa ku bilabay jawi degan, waxa deegaankaasi Awr-boogays saaka lagu soo dhaweyey waftiga Xukuumadda ee uu hogaaminayey Wasiir Xaashi, iyadoo isla saakaba uu shirkaasi si rasmiya u furmay.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa ergooyinkii shirkaasi ka qayb galay u jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa, isaga oo sidoo kalena ka hadlay ujeeda gogosha nabadeed ee uu madaxweyne Siilaanyo beelahaasi u fidiyey. Waxaanu yidhi “ Waxaanu idiinka mahad celinaynaa sidii qiimaha badnayd ee gobanimada iyo garashada lahayd ee naloogu soo dhaweeyey deegaankan Awr-boogays, si gaar ah waxaanu ugu mahad naqyaa waxgaradka, waayeelka iyo dadweynaha reer Awr-boogayseed. Waxaanu waxgaradka iyo waayeelka shir weynahan ka soo qayb galay ku hambalyeynaynaa urursanaanta iyo abaabulka loxodan ee ka muuqda iyada waanu ku hambalyeynaynaa.”

????????????????????????????????????

Wasiirka ayaa sidoo kalena sheegay inuu ergooyinka shirka salaam ugu sido Madaxweyne Siilaanyo waxanu yidhi“ Waxaan jecelahay inaan idin gudoonsiiyo salaan aan idiinka sido Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, oo aanu si rasmiya ugu wakiil nahay, gogoshii nabada ee uu dhigayna shirkani qayb ka mida uu yahay, walaalayaal sharaf weyn ayey noo tahay in aanu idiin nimaadno, shirkana idinkala soo qayb galno, waa shir taariikhi ah, waa shir miisaan weyn leh oo ay isugu yimaadeen beelaha lixaadkaa leh ee deegaanka balaadhan ka soo jeeda, waxa ka muuqata tallo ka dambaysa oo maanta reerka beelaha miisaanka lihi in aanay u dambayn, sidoo kale Xukuumadda Somaliland waxa ay u aragtaa oo shirkani wuu u qiimaysan yahay, anagana tallo nooga dambaysaa ma jirto, waxaanu u aragnaa shirkani inuu yahay kii aynu ku wada tashan lahayn. Shirkan ujeedada aynu la leenahay waxa weeye inaynu ku wada tasho in aynu turxaan saar ku samayno, in aynu ku abuurno iskaashi kuna xoojino wax wada qabsi iyo wadashaqayn, waxa aanu doonaynaa way cadahay,  waxa aanu qarinayno oo marba cid kula faqayno maaha, waxa aad doonaysaa waa cadahay oo waanu garanaynaa, waxa aanan garanayna waa noo sheegi doontaan, “ Qoodhi fagaare ayey ku warsheegootaa.” Markuu shirku noocan yahay laba faqda iyo waxa laysu qoor laabo wuu ka weyn yahay wax la qariyo ama lala hulaabtana wuu ka wayn yahay, dhaqanka aynu leenahay ayaa sidaas ah.”

DSC_0664Mudane Maxamuud Xaashi ayaa geesta kalena ka hadlay qiimaha ay leedahay walaalnimada dadka reer Somaliland waxaanu yidhi “  Waxa aanu wadnaa in aynu is bogsiino, waxa aynu nahay dad walaalo ah, dad dalka, dadka iyo daaquba ka dhaxeeyo ayeynu nahay, dad ab iyo isir wadaaga ayeynu nahay, dad kala maqnaan kara ama nihin, waxa aynu nahay dad wax wada leh, dad isu talin kara ma nihin, dada kala tashan karana ma nihin, waxa aynu nahay dad ku meel mari kara wadatashi kaliya iyo wax wada lahaasho inaga oo siman ILAHAY ayaa ina simay, horena umaynaan kala sarayn jirin, maantana ma kala sarayn karno, maanta maynaan abuurmin, dad taariikh sooyaal ah leh ayeynu nahay.”

“Rag isu talinkara oo is qabsan kara ma nihin, rag cudud isku maquunin karana ma nihin, taariikhda nolosheena hore umay soo marin, imikana idinma maquunin karno, ma qabno in aanu idin maquunino, ciidamo iyo qoryo in aanu ku qabsan karno Dhulbahante iyo deegaanadan aanu maanta joogna ma aaminsanin, siyaasadayada maaha, waxaanu doonaynaa inaynu wax wada yeelano inaynu cad wada guulno, ma socon karto qaranimada Somaliland-na laguma meel marin karo hadaydaan nala wadin, oo gaadhiga shidkiisa iyo dushiisaba nala fuulin oo aydaan  nala hagin, hadii aydaan dirawal nala noqon Somaliland dhulkan ka shaqayn mayso. Somaliland oo qaybsan oo qaybi baraaqo tahay oo nabad iyo maamul ka jiro qaybina qasan tahayna dal ma noqon karto, taas khibradeeda iyo waayo aragnimadeedna waanu leenahay idinkuna waad leedihiin.”

Wasiirka Madaxtooyada JSL ayaa sidoo kale faahfaahiyey waxay ay Xukuumadda Somaliland doonayso waxaanu yidhi “ Waxaanu doonaynaa Somaliland qaran la yidhaa inaanu dhisno, waxaanu doonaynaa dal Somaliland la yidhaahdo oo nabad ah, oo horumar laga hirgaliyo dhulkan, oo dawladnimo taam ah laga hir galiyo, oo aad qayb ka tihiin oo taladiisa waxa ku leedahiin, oo miiska waxa lagu goynayo aad fadhidaan ayaanu doonaynaa, waana sida saxda ah.”

“ Walaalyaal xeedhada hadaa nagu tuhmayseen in aanu wax tuurta ku sidanay dhulka ayaanu dhigaynaa, nala ogaada, gacanta nala galina, nala qaybiya oo nala qorsheeya, taasi waa sida kaliya ee aynu ku noqon karno Umad midaysan waxna ku wadaagi karno. “ Hadal waliba hoos ayuu leeyhay” maanta waa daahfurkii iyo hadalka bilowgiisii, galabta ilaa caawana waynu wada hadli doonaa, waxa aynu gali doonaa arimaha ina hor yaala ee aynu doonayna inay xal u helo, si aynu bogeena burcad u marino, si aynu midnimo iyo horumar buuxda u meel marino, arrintaasi maaha mid ku koobnaan doontaa beelaha Maxamud Bari Hiniinle iyo C/raxmaan harti, waxay tani hordhac iyo teed u noqon doontaa beelaha Dhulbahante oo dhan. Maaha siyaasadaynu in aanu dhulbahante qayb qaybsano, waxa weeye Geella wa laysku hagaajiyaa, waynu isku hagaajinayaa Geella, darka ayenu isugu keenaynaa, arrimahas oo dhan waynu gacal togaalaynaynaa, qabyana kaga tagi mayno xaajada.”