Austria oo dhimaysa tirada qaxootiga

Hargeysa(SLpost)-tAustaria ayaa sheegtay inay dhimi doonto tirada dadka maganlgelyada waydiisanaya ee ay qaadan doonaan sanadkan.

Isagoo ugu yeeray xal deg deg ah, Ra’iisalwasaaraha Austria, Werner Faymann, ayaa sheegay in tirada dadka la qaadanayo ay noqon doonto soddon iyo toddobo kun iyo shan boqol. (37,500) sanad walba afarta sano ee soo socota.

Austria ayaa noqotay waddan ay sii maraan qaxootiga u socda Jarmalka. Qaxootiga tirada badan ee imanaya waddanka ayaa keenay inay xoogaystaan siyaasiyiinta ka soo horjeeda ajnabiga, iyadoo dhalisay xiisad dowladda isbahaysiga ee xukunka haysa.