Askar ka tirsan Milatariga Ethiopia oo lagu helay Fal-dambiyeedyo ay ka geysteen gobolka Tigray

Addis Ababa (SLpost)- War ka soo baxay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalka Ethiopia, ayaa lagu sheegay in Afar askari oo ka tirsan Milatariga dalkaas lagu helay fal-dambiyeedyo isugu jira kufsi iyo dilal ay ka geysteen gobolka Tigray xilligii uu socday dagaalka u dhexeeyey Ciidamada Dowladda iyo kuwa jabhadda TPLF.

Warkan oo dowladda Ethiopia shaacisay Jimcaha maanta, waxa lagu sheegay in saddex ka mid ah askarta lagu helay dambi ah kufsi ay ka geysteen gobolka Tigray halka askariga afraad inuu qof shacab ah ku dilay gobolkaas.

28 askari oo kale oo ku eedaysan inay gobolkaas ka geysteen dilal kala duwan iyo 25 kale oo lagu eedeeyey inay falal kufsi ka geysteen Tigray, ayaa dacwadahoodu ka socdaan maxkamadaha dalkaas, sida lagu sheegay qoraal maanta ka soo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud.

Advertisement

Dowladda Itoobiya oo cadaadisyo isa soo taraya kala kulmay gabood-falo lagu eedeeyey inay ciidamadoodu ka geysteen gobolka Tigray, ayaa hadalkeedani u muuqdaa mid ay ku doonayso inay muujiso inay qaadeen tallaabo jawaab u ah warbixinaha isa soo taraya ee tacaddiyada ka socda Tigray, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters oo aanu warkan ka soo xigannay.

Warka ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha Guud ayaa lagu sheegay in xeer ilaalinta Ciidamada Milatarigu ay baadhitaan ku samaynayaan fal-dambiyeedyo laga geystay magaalada Axum ee gobolka Tigray. Hay’adda Amnesty International ayaa warbixin ay soo saartay bishii January ee sannadkan ku sheegay in ciidamada Eriteriya ay halkaas ku dileen boqolaal rayid ah oo u dhashay gobolka Tigray.

“Baadhitaanku wuxuu muujinayaa in Ciidammada Eritrea ay magaalada Axum ku dileen 110 qof oo rayid ah,” sidaas waxa lagu yidhi warka maanta ka soo baxay dowladda dawladda.

Bayaankan ka soo baxay Dowladda Ethiopia ayaa ka duwan qoraal horaantii bishan laga soo saaray xasuuqa ka dhacay Axum. Bishii March ee sannadkan, qoraal ka soo baxay Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa lagu sheegay in cadeymaha hordhaca ah ay muujinayaan in la dilay 93 qof oo badankoodu yihiin dagaalyahano katirsan kooxda TPLF.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa bishii April ee sannadkan sheegay sheegay in ciidamada Eriteriya ay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ka geysanayaan gobolka Tigray, wuxuuna raysal-wasaaraha Ethiopia ugu baaqay in dowladdiisu baadhitaan ku samayso arrintaas.

Haseyeeshee, dowladda Eritrea ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedayntaas.

Midowga Yurub ayaa hore u joojiyey lacago ay ku caawiyaan dowladda Ethiopia kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay ciidamadoodu geysteen kufsi wadareed arxan daro ah, dilal wadareed loo geysanayo dadka rayidka ah iyo bililiqo baahsan oo ka dhacday gobolka Tigray.

Dagaalka dhexmaray Ciidamada Milatariga Ethiopia iyo Jabhadda TPLF ayaa bilaabmay muddo haatan laga joogo lix bilood, waxaana maalmo kaddib dagaalka ku biiray ciidamo ka socda Maamulka gobolka Axmaarrada oo ay deris yihiin gobolka Tigray iyo Ciidamo ka socda dalka Ethiopia si ay u taageeraan askarta Itoobiya.

Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegay inay jiraan dambiyo dagaal oo ay geysteen dhinacyada dagaalku dhexmaray.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On