“Arrinta Kulmiye aan uga baxay waxay saamanaysaa 4 Jiil oo dambe” – Xildhibaan Axmed Timo-jilic

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Axmed Cabdi Ibraahim (Timo-jilic), ayaa ka waramay sooyaalkiisii Taariikh nololeed, tartankii Xildhibaannnada iyo waayo-arragnimada uu ka dhaxlay.

Xildhibaanka oo kamida mudaneyaasha Golaha Wakiillada Gobolka Maroodi-jeex uga soo baxay Xisbiga WADDANI, horena uga tirsanaa xisbiga Talada haya ee Kulmiye, ayaa waxa uu si qoto dheer uga hadlay sababihii uu uga tegay Xisbiga Kulmiye, taasoo uu ku tilmaamay arrin saameynteedu raad ku yeellanayso afar jiil oo dambe.

Eng. Axmed Cabdi Ibraahim waraysi dheer siiyey Telefishanka Saabtv, waxa kale oo uu ka xogwaramay waxyaabaha uu qaban doono iyo qorsheyaasha uga meel yaalla howsha golaha Wakiillada.