“Arrinta dhacday waa arrin dawladda iyo qaranka laga gallay in la reereeyo ama la yidhaahdo waa shirqool maaha waana ceeb” Faysal CalI Waraabe

Hargeysa (SLpost)- “Arrinta dhacday waa arrin dawladda iyo qaranka laga gallay in la reereeyo ama la yidhaahdo waa shirqool maaha waana ceeb” sidaa waxaa yidhi Faysal Cali WAraabe, guddoomiyaha xisbiga UCID wax yar ka dib hawl-galkii ciidamada Somaliland ku soo qabteen dablayda xalay la hadlay warbaahinta qaarkeed, waxaanu intaa ku daray “dawladdiina si fiican bay u soo gurmatay waanan hambalyaynaynaa guusha ay soo hoysay, waayo in ka yar 65 saacadood ayaa lagu soo qabtay gacan ku dhiigleyaashii la tuhunsanaa, markaa waxaanu leennahay arrintani waa mid qaranka laga galay oo Somaliland lagu xumaynayay laakiin may ahayn mid reero laga galay illaahayna wuu innaga soo af jarayaa dadkii dadku

ka dhinteenna waxaanu leennahay samir iyo iimaan saadiq ah alla ha innaga siiyo” ayuu yidhi Feysal Cali WAraabe. waxaanu shacbiga Somaliland u soo jeediyey in aan la qabyaalladayn cidda ay dhibaato ku timaado “qof shaqo haya ama dhaqaalle haya marka ay dhibaato ku timaado ama dhimasho ku timaado yaan la reeraynin oo aan hoos loo dhigin, waayo qaranka ayuu ka dhintay qofkaasi ee qolo kama uu dhiman, Marxuumkuna wuu ka weynaa reer oo sarkaal buu ahaa ummada ka dhintay ee in la ceebeeyo oo la qabiileeyo maaha”.