Arrimaha lagaga Hadlay Kulan Dhexmaray Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Guddiga Ka-hortagga Coronavirus ee Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Heer Qaran ee ka-hortaga caabuqa Coronavirus, ayaa kulamo la qaatay ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland, waxaana kulanka diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa dedaallada lagaga hor-tagayo Xanuunkan oo saamaynta weyn ku yeeshay adduunka.

Guddiga ka-hortaga Caabuqa Coronavirus ayaa tallooyin ka dhagaystay xubnihii Ururada bulshada rayidka ah ee ay kulanka la yeeshay, waxaanay sidoo kale is dul taageen qodobo muhiim ah oo lagaga hortagi karo xanuunka caalamka ku fidaya ee COVID-19 oo ilaa immika inta la ogyahay laba qof laga helay gudaha Somaliland.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa isagu madasha kulankaasi ka sheegay in xanuunkani uu leeyahay ka hortag, ka hortagaasina ay ugu horayso wacyigalin u baahan la galiyo fikir iyo dedaal.

Geesta kale Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa sheegay in barnaamijka guddida ka hortaga xanuunka Coronavirus ay tahay inay la kulmaan daneeyeyaasha arintan oo ay ka mid yihiin Bulshada Rayidka ahi, Ganacsatada iyo Culimaa’udiinka Somaliland.

Dhinaca kale Kulanka waxa ka qaybgalay xubno tiro badan oo ka socday Ururrada Bulshada rayidka, sida ururka Dhakhaatiirta, Ururrada Haweenka iyo dallada ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF.

Muuqaalka Hoose ka daawo Masuuliyiinta iyo Shaqsiyaadka ka hadlay Kulanka