Arrimaha lagaga hadlay Kulan Dhexmaray Guddoomiye Cirro iyo Xildhibaanno Baarlamaanka Sweden ka tirsan

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo socdaal ku jooga dalka Sweden, ayaa kulan la yeeshay masuuliyiin ka tirsan Dowladda dalkaas.

Guddoomiye Cirro oo ay weheliyaan xubno ka tirsan masuuliyiinta Xisbiga Waddani, waxa uu xarunta Baarlamaanka ee dalkaas kulan ku yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Sweden oo ay ka mid yihiin Haweenay xisbiga Conservative-ka ugu jirta baarlamaanka, isla markaana ah guddoomiyaha ururka Baarlamaanka adduunka iyo Xildhibaan Amiir Caydaruus Sheekh Aadan oo ka mid ah xildhibaannada Soomaalida ah ee ku jira baarlamaanka.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo kulanka kaddib faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha uu kala hadlay mudaneyaasha ka tirsan baarlamaanka Sweden, ayaa sheegay inuu kala hadlay arrimo la xidhiidha doorashooyinka Somaliland iyo sidii dowladda Sweden uga gacan-gaysan lahayd si doorashaddu xilligeeda ugu qabsoomi lahayd, baarlamaanka dalkaasina ugu taageeri lahaa.

Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu xusay inay kala hadleen xildhibaannada ka qayb-galka doorashada ee haweenka iyo Dadka laga tirada badan yahay.

Dhinaca kale, haweenayda xildhibaannada ah ee guddoomiyuhu la kulmay oo iyaduna halkaas ka hadashay ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay kulanka ay la qaadatay guddoomiye Cirro iyo weftiga la socda. Waxa ay haweenaydani sheegtay inay ka wada-hadleen arrimaha doorashooyinka oo ay xustay inay dowladda iyo shacabka Somaliland ka rejaynayso sidii ay u qabsoomi lahayd doorasho daah-furan oo xor ah.

Xildhibaan Amiir Caydaruus Sheekh Aadan oo isaguna hadlay, ayaa sheegay inay ka wada-hadleen sidii ay dowladda Sweden iyo baarlamaanka Midowga Yurub taageero uga geysan lahaayeen doorashooyinka Somaliland.

Muuqaalka Hoose ka Daawo Hadallada Masuuliyiinta